Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wafdi Turkiga ka socda oo Muqdisho u imanaya mashruuca shidaalka

Wafdi heer sare ah oo ka socda Türkiye ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Muqdisho saacadaha soo socda, si ay uga qeyb galaan munaasabad la xiriirta mashruuca sahminta shidaalka Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 9, 2026, 4:27 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Wafdi Turkiga ka socda oo Muqdisho u imanaya mashruuca shidaalka
Share

Wararka24: Wafdi heer sare ah oo ka socda Türkiye ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Muqdisho saacadaha soo socda, si ay uga qeyb galaan munaasabad la xiriirta mashruuca sahminta shidaalka Soomaaliya.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar, waxaana ku wehliya mas’uuliyiin sare oo kale.

Munaasabadda ayaa lagu soo dhoweynayaa markabka sahminta shidaalka ee Çağrı Bey, kaas oo safar dheer kaga yimid koonfurta Turkiga, isla markaana la filayo inuu bilaabo qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal badeedka Soomaaliya.

Ceelkan oo loo bixiyay Curad ayaa astaan u ah bilowga sahminta shidaalka badda qoto dheer ee dalka, iyadoo la qorsheeyay in howlgalka qodista uu socdo ku dhawaad 288 maalmood.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qodista lagu gaari doono qiyaastii 7,500 mitir, taas oo ka mid noqon karta mashaariicda ugu waaweyn ee tamarta dalka laga hirgeliyo.

Howlgalkan waxaa taageeraya maraakiibta ciidamada badda ee Turkiga, waxaana markabka saaran boqolaal khubaro iyo shaqaale farsamo oo ka shaqeynaya mashruuca.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mashruucan ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo kor u qaadi kara dhaqaalaha dalka, isla markaana xoojin kara iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

8 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

8 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.