Wararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa faahfaahin ka bixisay howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ay adeegsadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedka NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow lagu burburiyay xarumo lagu farsameyn jiray qaraxyada, lagu dayactiri jiray hubka, isla markaana lagu abaabuli jiray maleeshiyaadka.
Howlgalkaas ayaa sidoo kale lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ku jireen injineero iyo maleeshiyaad, sida lagu sheegay bayaanka.
Dhanka kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Laba-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad loo diyaarinayay weerarro, waxaana lagu dilay in ka badan toban xubnood.
NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab iyo burburinta xarumaha ay ka fuliyaan falalka amni darro.
Hay’addu waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka inay la wadaagaan wixii macluumaad ah ee la xiriira kooxaha argagixisada, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka.


















