Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF Soomaaliya oo maamul cusub u magacowday Shabeellaha Hoose

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta soo saaray wareegto rasmi ah oo maamul cusub loogu magacaabay gobolka Shabeellaha Hoose.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 31, 2026, 3:09 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
DF Soomaaliya oo maamul cusub u magacowday Shabeellaha Hoose
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta soo saaray wareegto rasmi ah oo maamul cusub loogu magacaabay gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegtada ayaa lagu magacaabay Cabdifitaax Sayid Axmed Cabdi oo loo xilsaaray guddoomiyaha gobolka, isaga oo xilkaas u qaban doona si ku-meel-gaar ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in magacaabistan ay timid kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka, iyadoo la arkay baahida loo qabo hoggaan cusub oo xoojiya maamulka iyo amniga.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay xustay in go’aankan lagu saleeyay qodobka 43-aad ee sharciga gobollada iyo degmooyinka dalka, kaas oo awood siinaya inay maamul u magacowdo gobollada marka loo baahdo.

“Magacaabistan ayaa la tixgeliyay baahida loo qabo in la xoojiyo hoggaanka gobolka oo ah mid istiraatiiji ah, darisna la ah caasimadda Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u waday magacaabista maamullo cusub oo ka jira gobollo iyo degmooyin, iyadoo dadaal ugu jirta xoojinta maamulka iyo amniga guud ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

18 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

18 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.