• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya
Share

Wararka24: 28-02-2026  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhaliil u jeediyay duqeymaha cirka ee Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in hawlgallada noocaas ah aan mararka qaar lagala tashan dalalka gobolka.

Wareysi uu siiyay joornaalka Jeune Afrique ayuu ku sheegay in tallaabooyinka milateri ee aan lala wadaagin dowladaha deriska ahi ay wiiqi karaan dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah.

Geelle ayaa ku dooday in ku tiirsanaanta xog sirdoon oo aan laga hubin ilaha gobolka ay keeni karto qaladaad, isla markaana ay sababi karto khasaare rayid.

Wuxuu sheegay in la-tashiga dowladaha ay khuseyso, oo ay ku jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya, uu muhiim u yahay hufnaanta hawlgallada iyo yareynta waxyeellada ka dhalan karta.

Dhanka kale, Taliska Milateriga Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa hore u sheegay in duqeymaha lagu fuliyo Soomaaliya ay yihiin kuwo iskaashi la leh Dowladda Federaalka, isla markaana lagu beegsado Al-Shabaab iyo Daacish.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna marar badan ku tilmaantay hawlgallada kuwa wadajir ah oo lagu wiiqayo awoodda kooxaha hubeysan.

Hadallada Geelle ayaa imanaya xilli Jabuuti ay martigeliso saldhigga Camp Lemonnier, oo ah xarunta ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Afrika, isla markaana ay qayb ka tahay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee ka socda Soomaaliya.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay AFRICOM ama Dowladda Federaalka oo si toos ah uga jawaabaya wareysiga madaxweynaha Jabuuti.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.