Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Sacuudi Carabiya oo Rajeyneysa Helitanka barnaamij Nukliyeer Kadib go’aanka…

20-02-2026 Rajada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee helitaanka barnaamij tamar nukliyeer rayid ah ayaa sare u kacday kaddib go’aan uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku wargeliyay Koongareeska, kaas oo la xiriira heshiis iskaashi nukliyeer oo lala galayo Riyaadh.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 20, 2026, 10:27 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Sacuudi Carabiya oo  Rajeyneysa Helitanka barnaamij Nukliyeer Kadib go’aanka…
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 20-02-2026 Rajada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee helitaanka barnaamij tamar nukliyeer rayid ah ayaa sare u kacday kaddib go’aan uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku wargeliyay Koongareeska, kaas oo la xiriira heshiis iskaashi nukliyeer oo lala galayo Riyaadh.

Sida lagu sheegay dokumiinti loo diray Koongareeska oo ay aragtay Reuters, maamulka Trump ayaa qorsheynaya heshiis aan ku xirnayn shuruudihii adkaa ee horey looga dhigi jiray dalalka xulafada ah, kuwaas oo looga gol lahaa in laga hortago in barnaamijyada rayidka ah loogu leexiyo hub nukliyeer.

Heshiiskan, oo loo yaqaan “123 Agreement”, ayaa u oggolaanaya shirkadaha Mareykanka inay door weyn ku yeeshaan dhismaha kaabeyaasha tamarta nukliyeerka ee Sacuudiga, si koronto loogu dhaliyo.Heshiiska ayaa sidoo kale albaab u furaya in Sacuudigu mustaqbalka yeesho awoodda tayeeynta yuraaniyamka, inkastoo arrintan ay dhalisay walaac amni.

Khubaro iyo siyaasiyiin Mareykan ah oo ka kala tirsan labada xisbi ayaa ka digay in heshiis kasta oo lala galo Sacuudiga uusan dhicin iyada oo aan la adkeyn xakameynta hubka. Waxay ku baaqeen in Riyaadh laga mamnuuco tayeeynta yuraaniyamka iyo dib-u-warshadaynta shidaalka nukliyeerka, isla markaana ay si buuxda u aqbasho kormeer ballaaran oo ay sameyso Hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka.

Walaaca caalamiga ah ayaa sii kordhay xilli loolanka hubka nukliyeerka uu mar kale soo laba-kacleeyay, kaddib dhammaadka heshiiskii xaddididda hubka istiraatiijiga ah ee Mareykanka iyo Ruushka, iyo ballaarinta keydka hubka nukliyeerka ee Shiinaha.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa horey u sheegay in haddii Iiraan ay hesho hub nukliyeer ah, Sacuudiguna uu qaadi doono tallaabo la mid ah si loo ilaaliyo dheelitirka awoodda Bariga Dhexe, hadal taasoo sii xoojisay walaaca ku saabsan jihada mustaqbalka ee barnaamijka nukliyeerka ee Riyaadh.

Heshiiska ayaa la filayaa in si rasmi ah loo horgeeyo Koongareeska dhammaadka bishan Febraayo, waxaana sharciga Mareykanka dhigaya in haddii labada aqal aysan 90 maalmood gudahood ka soo horjeesan, heshiisku si toos ah u dhaqan-geli karo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

11 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

11 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.