Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la dhammeystiray daraasadaha mashruuca Dekedda Cusub ee Muqdisho, isla markaana uu mashruucu galay marxaladda qandaraas-bixinta, iyadoo fursad loo furay maalgashadayaasha caalamiga ah iyo ganacsatada si ay uga qeyb qaataan hirgelintiisa.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dekedda cusub ay wax weyn ka beddeli doonto awoodda saadka iyo isku xirka ganacsiga ee gobolka, isla markaana ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha dalka.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay shirka 2-aad ee Wasiirrada Gaadiidka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Türkiye, halkaas oo uu ku soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dekedaha Soomaaliya, gaar ahaan mashruuca dekedda cusub ee Muqdisho.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in is-weydaarsiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye uu ka batay awoodda kaabeyaasha saadka ee hadda jira, taasoo ka dhigaysa in loo baahdo khadad maraakiib oo toos ah oo isku xira labada dal. Wuxuu tilmaamay in tallaabadaasi ay yareyn doonto kharashaadka gaadiidka, dedejin doonto gaarsiinta badeecadaha, isla markaana kordhin doonto mugga ganacsiga labada dhinac.
Wasiirka ayaa ku boorriyay shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadaha ka jira kaabeyaasha dekedaha Soomaaliya, isagoo xusay in mashruuca dekedda cusub uu yahay mid istiraatiiji ah oo xoojinaya isku xirka ganacsiga Geeska Afrika iyo suuqyada caalamiga ah.
Shirka Istanbul ayaa isugu keenay wasiirrada gaadiidka ee dalalka xubnaha ka ah OIC, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, isku xirka gaadiidka iyo horumarinta marinnada


















