Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dardar-geliyo keenista ciidamo ku filan iyo helitaanka maalgelin waarta oo lagu xoojinayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Bayaan ka soo baxay kulan heer wasiir oo ka dhacay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ay lama huraan tahay in si dhaqso ah loo helo tiro ciidan oo ku filan hawlgallada ka socda gudaha Soomaaliya, isla markaana la xaqiijiyo maalgelin la saadaalin karo oo waarta, si howlgalka AUSSOM uu u yeesho taageero joogto ah oo muddo-dheer ah.
Goluhu wuxuu soo dhoweeyay guulaha milatari ee laga gaaray Al-Shabaab, isagoo ku dhiirrigeliyay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah inay sii xoojiyaan hawlgallada si si wax ku ool ah loo wiiqo loogana adkaado kooxda. Waxa uu sidoo kale adkeeyay in xasillinta Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo beesha caalamka, si loo mideeyo dadaallada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska dalka.
Dhanka kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo diiday aqoonsi kasta oo Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax-bannaan, isla markaana ku baaqay in laga noqdo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa wadajirka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.


















