Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Senate-ka Mareykanka oo Walaac ka muujiyay Arrimo ayku lug leedahay Somaliland

12-02-2026Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Senator Jim Risch, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan warar sheegaya in Somaliland lagu eedeeyay fududeynta marinno saadka iyo tababarro la xiriira maleeshiyada RSF ee Suudaan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 12, 2026, 6:04 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Senate-ka Mareykanka oo Walaac ka muujiyay Arrimo ayku lug leedahay Somaliland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 12-02-2026Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Senator Jim Risch, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan warar sheegaya in Somaliland lagu eedeeyay fududeynta marinno saadka iyo tababarro la xiriira maleeshiyada RSF ee Suudaan.

Risch ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay eedeymo tilmaamaya in Itoobiya ay martigelineyso xero tababar oo ay maalgeliso Imaaraadka Carabta, taasoo loogu talagalay ciidamada RSF, isla markaana marinada sahayda ay mari karaan Somaliland. Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyinkaas ay sii hurin karaan colaadda Suudaan, isla markaana ay keeni karaan in Mareykanku u aqoonsado RSF urur argagixiso shisheeye (FTO), taasoo cawaaqib xun ku yeelan karta cid kasta oo si dadban u taageerta.

Hadalkan ayaa yimid kaddib warbixin ay Reuters baahisay oo ku saabsan tababarro qarsoodi ah oo la sheegay in Itoobiya lagu siiyay kumanaan dagaalyahanno RSF ah, iyadoo la tilmaamay in Imaaraadku bixiyay taageero dhaqaale. Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas.

Dagaalka sokeeye ee Suudaan oo billowday Abriil 2023 ayaa sababay khasaare naf iyo barakac ballaaran, waxaana RSF lagu eedeeyay xasuuq iyo falal ka dhan ah bani’aadannimada, gaar ahaan gobolka Darfur. Mareykanka ayaa horey cunaqabateyn ugu soo rogay hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdaan Daqalo, iyo shabakado ganacsi oo ku xiran.

Arrintan Somaliland lagu xusay ayaa xasaasi gaar ah leh, maadaama Senator Risch uu kamid yahay siyaasiyiinta ugu waaweyn ee Congress-ka ee u ololeeya xoojinta xiriirka Washington iyo Somaliland. Digniintiisa ayaa la rumeysan yahay inay caqabad ku noqon karto dadaallada Somaliland ka waddo Mareykanka, maadaama magaca Somaliland lala xiriiriyay eedeymo ku saabsan marinno sahay iyo taageero dadban oo ku aaddan colaadda Suudaan.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa marar badan iska fogeeyay eedeymo noocan ah, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.