Wararka24: 7-02-2026 ;Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa la kulmay sii-hayaha Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, kulan diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo wada-shaqeynta amniga.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Danjire Justin Davis uu u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababbarka iyo taakulaynta ciidamada, iyo gargaarka bini’aadantinimo. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday horumarrada laga gaaray la-dagaallanka kooxaha hubeysan iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka doorka ay ka qaadato tababbarka, qalabeynta iyo tayeynta Ciidamada Qaranka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in kooxaha xagjirka ah laga saaro dhul-beereedka si loo xoojiyo isku-filnaanshaha cunnada iyo kobaca dhaqaalaha.
Dhinaciisa, Danjire Justin Davis ayaa bogaadiyay guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhinacyada amniga, siyaasadda iyo geeddi-socodka doorashooyinka.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Mareykanku si buuxda u taageersan yahay midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xaaladaha bini’aadannimo ee dalka, gaar ahaan saameynta abaaraha, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay hirgelisay qorshe isku-tashi shacab iyo dowlad ah, ayna u baahan yihiin taageerada saaxiibada caalamiga ah si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.





















