Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

6-02-2026: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Daniga Baaloow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu beegsaday sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo hay’addu ku tilmaantay mas’uul ka ahaa maaliyadda kooxda…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 6, 2026, 12:34 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan lagu beegsaday sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 6-02-2026: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Daniga Baaloow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu beegsaday sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo hay’addu ku tilmaantay mas’uul ka ahaa maaliyadda kooxda ee Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo dhacay 27-kii Janaayo, lagu beegsaday Axmed Dhubad Xidig, oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere.

Hay’addu waxay sheegtay in ninkaasi uu ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Daniga Baaloow, halkaas oo ay ku fuliyeen howlgal ay wadeen ciidamo si gaar ah u tababaran.

NISA ayaa sheegtay in ninka la beegsaday uu muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana horey ugu howlanaa ururinta dhaqaale ee kooxda ee gobollo ay ka mid yihiin Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose. Hay’addu waxay intaas ku dartay in howlgalka uu daba socday raadraac muddo socday.

Mas’uuliyiinta NISA ayaa sheegay in howlgalka lagu fuliyay iskaashi dhinaca amniga ah, ayna weli sii socdaan howlgallo lagu beegsanayo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Dhanka kale, hay’addu waxay ugu baaqday shacabka inay la wadaagaan hay’adaha amniga wixii xog ah oo la xiriira khataro amni. wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.