Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

War ku sabsan Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda Baydhaba

5-02-2026:Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka mar kale ay dib u qarxeen rabshado hubeysan oo gudaha magaalada ka socda, taas oo gashay maalintii labaad, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ilo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 5, 2026, 10:07 am EAT
Reading Time: 3 mins read
War ku sabsan Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda Baydhaba
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 5-02-2026:Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka mar kale ay dib u qarxeen rabshado hubeysan oo gudaha magaalada ka socda, taas oo gashay maalintii labaad, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ilo deegaanka ah.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska-horimaadku uu ka billowday agagaarka hoyga Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Eelaay, kaddib tallaabo ay qaadeen ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay is-weydaarsadeen rasaas, ayna jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan tiro rasmi ah la xaqiijin.

Wasiir Xasan Eelaay, oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah, ayaa sheegay in gurigiisa la beegsaday, isaga oo mas’uuliyadda dusha ka saaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, arrintaas oo uu ku sheegay mid salka ku haysa khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada.

Ilo warbaahineed ayaa soo sheegay in xiisaddu ay salka ku hayso muran la xiriira dhul ku yaalla aagga xoolaha ee Baydhaba. Xaaladda amni ayaa weli kacsan, waxaana aan weli wax war rasmi ah ka soo bixin saraakiisha amniga ee Koonfur Galbeed. Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in isgaarsiinta meelaha qaar ay go’day.

Rabshadahan ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Galbeed ay wajahayo jawi siyaasadeed oo kacsan, iyadoo la filayo in la qabto doorasho, kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweynaha maamulkaas.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.