Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Cabdiraxmaan (Cirro) oo Dubai kula kulmay masuuliyiin ka tirsan…

4-02-2026: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa Dubai kula kulmay Prince Edward, Duke of Edinburgh, oo ah walaalka Boqorka Ingiriiska King Charles III, sida ay sheegtay…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 4, 2026, 5:43 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Cabdiraxmaan (Cirro) oo Dubai kula kulmay masuuliyiin ka tirsan…
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 4-02-2026: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa Dubai kula kulmay Prince Edward, Duke of Edinburgh, oo ah walaalka Boqorka Ingiriiska King Charles III, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland.

Kulanka ayaa ka dhacay casho-sharaf lagu casuumay madaxdii ka qeyb-gashay Shirka Dowladaha Adduunka ee ka socday Dubai, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa masuuliyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada Midowday Ingiriiska.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulankan uu qeyb ka ahaa munaasabado diblomaasiyadeed oo heer caalami ah oo lagu xoojinayay is-dhexgalka siyaasadeed.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka soo qeyb-galay Sir Gavin Williamson MP, oo xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Ingiriiska, kaas oo si fagaare ah u muujiyay taageero ku aaddan arrimaha Somaliland.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu uga mahadceliyay Sir Gavin Williamson taageerada joogtada ah ee uu muujiyo, isla markaana uu ku boorriyay in arrimaha Somaliland lagu sii qaado fagaarayaasha siyaasadeed ee caalamiga ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka lagu adkeeyay muhiimadda sii xoojinta iskaashiga dhinacyada kala ah dawladnimada, horumarinta, amniga iyo xiriirka bulshada ee u dhexeeya dhinacyada, isla markaana la muujiyay rabitaan wadajir ah oo lagu horumarinayo dano-wadaag iyo mustaqbal waara.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay nabad-ku-wada noolaanshaha, wada-hadalka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wararka muhomka ha kalasoco WARARKA24


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.