• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maryan Qaasim oo kusoo baxday kursiga Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Maryan Qaasim oo kusoo baxday kursiga Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed
Share

Wararka24: 4-02-2026: Maryan Qaasim Axmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen xubno ka tirsan guddiga.

Doorashada ayaa u dhexeysay Maryan Qaasim Axmed iyo Cumar Cabdulle Calasow, oo hore ula soo shaqeeyay howlgalka AMISOM, kaas oo hadda loo yaqaan AUSSOM. Codeyn ay sameeyeen sagaalka xubnood ee guddiga ayaa Maryan Qaasim ku heshay shan cod, halka Cumar Cabdulle Calasow uu helay afar cod.

Maryan Qaasim, oo hore xilal kala duwan uga soo qabatay dowladihii dalka soo maray, ayaa khudbad ay ka jeedisay goobta doorashada ku sheegtay in ujeeddadeedu tahay u adeegidda bulshada, isla markaana aysan xilka u raadin dan gaar ah. Waxay tiri: “In aan isku sharaxo xilka Guddoomiyaha, igama ahan xil jacayl… waxaan leeyahay qibrad dhowr iyo 40 sano ah, saddex mar ayaan noqday wasiir, hay’ado caalami ahna waan kasoo shaqeeyay.”

Waxay sidoo kale tiri: “Aniga wax kambeyn ah xitaa ma gelin oo hotel ayaan iska deganaa… dadka ii codeeyay ma garanayo, kulligiinna waad mahadsan tihiin.”

Dhanka kale, xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa loo doortay Maxamed Haaruun Maxamuud, kaas oo helay siddeed cod, sida ay sheegeen xubnaha guddiga.

Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dhawaan kala wareegtay Qaramada Midoobay mas’uuliyadda maareynta arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka, iyadoo la filayo in guddigu door muuqda ka qaato kormeerka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Wararka muhomka ha kalasoco WARARKA24


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.