Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maryan Qaasim oo kusoo baxday kursiga Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed

4-02-2026: Maryan Qaasim Axmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen xubno ka tirsan guddiga.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 4, 2026, 12:13 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Maryan Qaasim oo kusoo baxday kursiga Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 4-02-2026: Maryan Qaasim Axmed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed, kaddib doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen xubno ka tirsan guddiga.

Doorashada ayaa u dhexeysay Maryan Qaasim Axmed iyo Cumar Cabdulle Calasow, oo hore ula soo shaqeeyay howlgalka AMISOM, kaas oo hadda loo yaqaan AUSSOM. Codeyn ay sameeyeen sagaalka xubnood ee guddiga ayaa Maryan Qaasim ku heshay shan cod, halka Cumar Cabdulle Calasow uu helay afar cod.

Maryan Qaasim, oo hore xilal kala duwan uga soo qabatay dowladihii dalka soo maray, ayaa khudbad ay ka jeedisay goobta doorashada ku sheegtay in ujeeddadeedu tahay u adeegidda bulshada, isla markaana aysan xilka u raadin dan gaar ah. Waxay tiri: “In aan isku sharaxo xilka Guddoomiyaha, igama ahan xil jacayl… waxaan leeyahay qibrad dhowr iyo 40 sano ah, saddex mar ayaan noqday wasiir, hay’ado caalami ahna waan kasoo shaqeeyay.”

Waxay sidoo kale tiri: “Aniga wax kambeyn ah xitaa ma gelin oo hotel ayaan iska deganaa… dadka ii codeeyay ma garanayo, kulligiinna waad mahadsan tihiin.”

Dhanka kale, xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa loo doortay Maxamed Haaruun Maxamuud, kaas oo helay siddeed cod, sida ay sheegeen xubnaha guddiga.

Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dhawaan kala wareegtay Qaramada Midoobay mas’uuliyadda maareynta arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka, iyadoo la filayo in guddigu door muuqda ka qaato kormeerka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Wararka muhomka ha kalasoco WARARKA24


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.