• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ra’iisul Wasaara Xamsa Cabdi Barre,ayaa maanta xarigga ka jaray….

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Ra’iisul Wasaara Xamsa Cabdi Barre,ayaa maanta xarigga ka jaray….
Share

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay ku dhowaad laba kiiloomitir, taas oo laga hirgeliyay degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Buulo Xuubey ee magaalada Muqdisho.

Waddadan oo ah mid si buuxda loo dhisay, ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ay ku horumarinayso kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in mashruucan uu muujinayo isbeddelka ka jira dhismaha waddooyinka Muqdisho, loogana golleeyahay in la helo kaabayaal tayo leh oo waara, una adeega shacabka muddo dheer.

Waddadan ayaa la dhagax-dhigay 4-tii November 2025, waxaana lagu hirgeliyay muddo saddex bilood gudahood ah, iyadoo loo dhisay qaab casri ah oo leh tayo sare. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay tahay tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha, fududeynta isku socodka, qurxinta bilicda magaalada iyo xoojinta amniga caasimadda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in waddadan ay door weyn ka qaadan doonto isbeddelka muuqaalka degmada Wadajir, isaga oo xusay in toban sano ka hor aan la filayn in xaafaddan ay gaarto heerkan horumarineed. Wuxuu uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka doorkii ay ka qaateen hirgelinta mashruuca.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka deegaanka inay ilaashadaan amniga, bilicda iyo hantida danta guud, isla markaana ay ka shaqeeyaan cagaarinta iyo qurxinta waddooyinka. Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha shacabka, kana dhigi doona Muqdisho caasimad casri ah oo si xawli ah u kobceysa.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.