Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Axmed Madoobe oo sii daayay Senator Ilyaas Gaboose.

2-02-2026: Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa xalay sii daayay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, oo ahaa musharrax si weyn ula loollamayay hoggaankiisa, kana mid ahaa siyaasiyiinta muddo ku jiray xabsi-guri ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 2, 2026, 10:07 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Axmed Madoobe oo sii daayay Senator Ilyaas Gaboose.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 2-02-2026: Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa xalay sii daayay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, oo ahaa musharrax si weyn ula loollamayay hoggaankiisa, kana mid ahaa siyaasiyiinta muddo ku jiray xabsi-guri ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Sii deynta Senatorka ayaa timid kaddib heshiis siyaasadeed oo dhex maray Axmed Madoobe, Ilyaas Gaboose, iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi, oo isna horey ugu xayirnaa Jubbaland. Dhinacyadu waxay sheegeen inay gaareen is-afgarad buuxa oo ku saleysan wada-shaqeyn, nabad, iyo midnimada Jubbaland.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in la isku raacay in danta guud, xasilloonida, iyo midnimada bulshada Jubbaland ay ka sarreyso khilaaf kasta oo siyaasadeed. “Waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubbaland ay ka muhiimsan tahay khilaaf siyasadeed, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka reer Jubbaland,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa xalay sii daayay Senator Ilyaas Beddel Gaboose 01/02/2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay tanaasul ballaaran si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, isaga oo xusay in kala aragti duwanaanshaha lagu xallin doono waddo nabadeed oo dhowraysa danta guud iyo mustaqbalka shacabka.

Senator Ilyaas Gaboose iyo xubno kale oo mucaarad ahaa ayaa tan iyo dabayaaqadii November 2024 ku jiray xaalad xabsi-guri ah, kaddib muran ka dhashay doorasho ka dhacday Kismaayo, taas oo mucaaradku ku tilmaameen mid aan sharci ahayn. Ilyaas Gaboose ayaa xilligaas ku adkeystay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland, arrintaas oo sii dheereysay khilaafka siyaasadeed iyo xayiraaddiisa.

Sii deynta Senatorka ayaa ku soo aadeysa xilli Jubbaland ay gelayso marxalad cusub oo siyaasadeed, isla markaana ay jirto diyaargarow ku aaddan wada-hadallo ballaaran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo Jubbaland ay qayb ka tahay. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid hoos u dhigi karta xiisadda siyaasadeed ee ka jirtay Jubbaland bilihii la soo dhaafay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.