Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Golaha Wasiirrada Oo Xilkii Ka Qaaday Taliye Odowaa, Mid Cusubna Magacaabay.

29-01-2026:Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo go’aan ku gaaray in xilkii laga qaado Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 29, 2026, 11:34 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Golaha Wasiirrada Oo Xilkii Ka Qaaday Taliye Odowaa, Mid Cusubna Magacaabay.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 29-01-2026:Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo go’aan ku gaaray in xilkii laga qaado Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Sida lagu sheegay wararka la helay, Golaha Wasiirrada ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka u magacaabay Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed, oo ah sarkaal da’yar kana mid ahaa hoggaanka sare ee ciidamada.

Taliyaha cusub ayaa hore u hayay mas’uuliyadda qeybta taakulada ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana lagu tilmaamay sarkaal tababar sare kusoo qaatay dalka Turkiga, lehna waayo-aragnimo dhanka hoggaaminta iyo howlgalada militari.

Isbeddelkan ayaa yimid kadib soo jeedin rasmi ah oo ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada intii uu shirku socday.

Golaha Wasiirrada ayaa uga mahadceliyay Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage muddadii uu xilka hayay iyo dadaalkii uu geliyay hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka, iyaga oo taliyaha cusub faray inuu dardar geliyo howlgalada xoreynta, tayeynta ciidanka iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in isbeddello kale oo dhanka hoggaanka ah la filayo, kuwaas oo gaari kara ku-xigeennada taliska iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli dalka ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, isla markaana ay jirto xiisad siyaasadeed oo weli taagan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.