• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya Oo Iskaashi Difaac La Yeelanayso Masar Iyo Sacuudiga

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya Oo  Iskaashi Difaac La Yeelanayso Masar Iyo Sacuudiga
Share

Wararka24: 25-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay waddo dadaallo culus oo lagu dhisayo iskaashi amni iyo difaac oo qoto dheer oo ay la yeelanayso dalalka Masar iyo Sacuudiga, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasiirka Dowlada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Muqdisho ay raadinayso qaab-dhismeed iskaashi oo waara oo ay la yeelato Riyaad iyo Qaahira, si loo xoojiyo amniga marinada badda, loona ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya xilli ay sii kordhayaan faragelinta shisheeye ee Geeska Afrika.

Wareysi uu siiyay wargeyska Al Majalla, Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland aysan ahayn arrin astaan uun ah, balse ay xambaarsan tahay cawaaqib istiraatiiji ah oo si toos ah u saameynaya mandiqad muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan goobaha colaadaha ay ka taagan yihiin ee u dhexeeya Yemen iyo Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa 26-kii December ku dhawaaqay aqoonsi uu siiyay Somaliland, tallaabadaas oo ay Dowladda Soomaaliya si degdeg ah uga hortimid, kuna tilmaantay mid ka hor imanaysa sharciga caalamiga ah isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiir Cali Balcad ayaa soo dhaweeyay mowqifka ay dalalka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga, ka qaateen arrintaas, isagoo ku tilmaamay mid mabda’ ku dhisan oo si cad u diiday aqoonsiga Somaliland. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay doorbideyso iskaashi qaab-dhismeed leh halkii ay ka geli lahayd xulafaysi siyaasadeed oo cusub.

Iskaashigan la qorsheynayo ayaa lagu sheegay mid ku saleysan mas’uuliyad wadaag iyo difaac guud oo looga hortagayo khataraha ay ka mid yihiin argagixisada, burcad-badeedda iyo faragelinta shisheeye. Wasiirka ayaa tilmaamay in Masar iyo Sacuudiga ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee iskaashigan, sababo la xiriira saameyntooda diblomaasiyadeed iyo danaha ay ka leeyihiin amniga waddooyinka Badda Cas.

Hadalladan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay waddo howlgallo amni oo ka dhan ah kooxaha hubeysan, iyadoo isla mar ahaantaasna ay wajahayso caqabado dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed. Wasiirka ayaa diiday aragtiyada sheegaya in sii jiritaanka Al-Shabaab iyo kooxaha xiriirka la leh Daacish ay muujinayaan fashil dowladeed.

Wuxuu ku dooday in awoodda dowladda federaalka ay si weyn u ballaaratay tan iyo burburkii 1991-kii, isla markaana ammaanka Muqdisho uu ka wanaagsan yahay xilliyadii hore, inkastoo uu qiray in Al-Shabaab ay weli yihiin koox awood leh oo xiriir la leh Al-Qaacida, halka kooxaha taabacsan Daacish ay ku sugan yihiin deegaanno ka mid ah waqooyi-bari Soomaaliya.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.