Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay Jubbaland ka bilaabeyso diiwaangelinta dadweynaha, taas oo qeyb ka ah qorshaha doorasho qof iyo cod ah.
Xamza ayaa sheegay in howlaha diiwaangelinta ay horey uga socdeen inta badan dowlad-goboleedyada dalka, ujeedkuna yahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay si toos ah ugu codeeyaan doorashooyinka dowladaha hoose.
War-saxaafadeedka ayaa lagu daray in dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ay wadaan wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, si loo xaqiijiyo in doorashooyinka la qaban doono ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u habeyn siyaasadeed, halka dowladda federaalku ay ku adkaysanayso hirgelinta nidaamka qof iyo cod.