Muqdisho – Booliska Soomaaliya ayaa xiray haweeney lagu magacaabo Malyuun Cawad Xaydar, kadib markii lagu eedeeyay inay aflagaado u geysatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo muuqaal ka duubtay baraha bulshada gaar ahaan TikTok.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in falkaasi uu dhaawacayo sharafta iyo karaamada hoggaanka dalka, isla markaana uu ka hor imaanayo shuruucda iyo dastuurka. Haweeneydan ayaa hadda lagu hayaa saldhigga Garasbaaleey ee degmada Banaadir, iyadoo la filayo in si sharci ah maxkamad loo soo taago.
Boolisku waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay baadi-goob ku hayaan shaqsiyaad kale oo lagu tuhunsan yahay inay ku kaceen falal la mid ah kan malyuun cawad, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay la wadaagaan xog kasta oo ku saabsan dadka ku faafinaya Baraha bulshada aflagaadada madaxda qaranka.
Maalmo ka hor, afar dhalinyaro ah ayaa la xiray iyagoo lagu eedeeyay inay aflagaado u geysteen Madaxweynaha xasan sheekh, kadib muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay.