HARGEYSA – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa soo jeediyay in 82 xildhibaan ay mushaharkooda ugu deeqaan shacabka ay abaartu saameysay, gaar ahaan kuwa ku hoyanaya bacadaha.
Xildhibaan Batuun ayaa yiri: “Anigu waxaan soo jeedin lahaa in 82 Xildhibaan aynu mushaharkeena ugu deeqno dadkii bacadka inoo taagnaa ee Abaartu Saameysay.”

Hadalkan ayaa yimid xilli gobollo badan oo ka tirsan Somaliland ay wajahayaan xaalado adag oo abaareed, taasoo keentay barakac baahsan iyo baahi dhinaca nolosha ah. Soo jeedinta Batuun ayaa dhalisay hadal heyn bulsho iyo mid siyaasadeedba, iyadoo dad badan ay bogaadiyeen garab istaagga shacabka tabaaleysan.