Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Kenya oo mesha ka saartay xafis Somaliland muhim u ahaa + sababta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa maanta si rasmi ah meesha uga saartay magaca Somaliland liiskii ay ku qortay safaaradaha shisheeye ee dalkaas ka howlgala.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
June 1, 2025, 10:32 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Kenya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.
Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa maanta si rasmi ah meesha uga saartay magaca Somaliland liiskii ay ku qortay safaaradaha shisheeye ee dalkaas ka howlgala.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli dukumeenti kasoo baxay wasaaradda oo baraha bulshada lagu baahiyey ay muran weyn ka dhex abuuratay labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya. Dukumentigas ayaa Somaliland ku qornaa liiska safaaradaha, taasoo keentay jawaab deg deg ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo kenya ayaa lagu yiri.

Waxan mar kale xaqiijineysaa in Dowladda Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed maanta la soo saaray.

Wasaaradda ayaa ku adkaysatay in Kenya aysan taageersanayn furitaanka wax xafiis rasmi ah oo Somaliland, iyadoo tilmaantay in xiriir kasta oo la yeesho Somaliland uu mari doono dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Nairobi29-kii May,

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro” ayaa furay xafiis Somaliland ku tilmaantay in uu yahay mid diblomaasiyadeed oo ku yaalla magaalada Nairobi. Furitaanka xafiiskaas

waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin Kenyan ah oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Uasin Gishu Jonathan Bii iyo Senatarka Marsabit Maxamed Siciid Chute.

Kulanka Madaxtooyada

Madaxweyne Cirro ayaa booqday Madaxtooyada Kenya halkaas oo uu la kulmay Madaxweyne William Ruto. Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Igeh, ayaa baraha bulshada ku shaaciyey sawir muujinaya labada hoggaamiye.

Waxaan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac, gaar ahaan ganacsiga, waxbarashada, gaadiidka iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaan sidoo kale diiradda saarnay xasilloonida Geeska

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddo ahaa mid murugsan. Sanadkii 2020, Soomaaliya waxay u jartay xiriirka diblomaasiyadeed kadib markii madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta uu la kulmay hoggaamiyihii Somaliland ee xilligaas Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii ayaa weli sugaysa aqoonsi caalami ah. In kasta oo ay leedahay dawlad u gaar ah, lacag, iyo ciidan, wax dal ah oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uma aqoonsan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa ku nuux nuuxsatay in dalkoodu uu taageersan yahay midnimada Soomaaliya.”Xiriir kasta waa in uu si buuxda ugu dhaco dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda, taasoo muujinaysa in Kenya ay doonayso in ay ilaaliso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeelato dadaallada ay Somaliland ku raadinayso aqoonsi caalami ah iyo sidoo kale xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

5 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.