Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

NISA oo Dishay Horjooge Sare oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada gaarka ah ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), gaar ahaan kuwa Gaashaan, ayaa howlgal qorsheysan oo habeenkii xalay ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
May 21, 2025, 12:42 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
NISA Wararka24
Share

NISA Wararka24

Ciidamada gaarka ah ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), gaar ahaan kuwa Gaashaan, ayaa howlgal qorsheysan oo habeenkii xalay ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay xog sirdoon oo muddo la daba socday, taas oo muujisay halka uu horjoogahaasi ku dhuumaaleysanayay. Sidoo kale, ciidamada ayaa la sheegay inay meesha ka saareen xubno kale oo ilaalinayay horjoogaha, kuwaas oo isna lagu dilay weerarka.

Warar ka soo baxay ilaha ammaanka ayaa sheegaya in horjoogahan uu mas’uul ka ahaa weerarro hoobiyeyaal ah oo dhowr jeer lala beegsaday magaalada Muqdisho tan iyo 2023, isagoo door weyn ku lahaa abaabulka weeraradaas.

Dhinaca kale, ciidamada NISA ayaa sidoo kale howlgal duqeyn ah ka fuliyeen deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin. Duqeymahaas oo dhacay inta u dhaxeysay galabtii iyo fiidnimadii shalay ayaa lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan kooxda, oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah.

Taliska hay’adda NISA ayaa sheegay in howlgallada noocan ah ay yihiin kuwo joogto ah oo lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha dalka.

Taliye ku xigeenka NISA ayaa isna lagu soo waramayaa inuu ku sugan yahay aagga howlgalka si uu ula socdo waxqabadka iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah kooxda argagixisada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.