Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Turkiga oo Yareynaya Saameynta Imaaraadka ee Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa bilaabeysa dadaallo cusub oo lagu yareynayo saameynta sii kordheysa ee Imaaraadka Carabta ay ku leedahay gudaha DF

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
May 19, 2025, 6:08 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Turkiga
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.
Dowladda Turkiga

Dowladda Turkiga ayaa bilaabeysa dadaallo cusub oo lagu yareynayo saameynta sii kordheysa ee Imaaraadka Carabta ay ku leedahay gudaha Soomaaliya, xilli uu bilaabmay xiriir saddex-geesood ah oo ay Turkigu la yeelatay Muqdisho, Dooxa iyo hadda Riyaad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Riyaad, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga, Faysal bin Farxaan Al-Sacuud. Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo lagu dhisayo xiriir cusub oo qotodheer, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo siyaasadda gobolka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Sacuudigu uu qorsheynayo inuu balaayiin doollar ku maalgeliyo warshadaha difaaca Turkiga, iyadoo labada dal ay isla meel dhigeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha Suuriya, gaar ahaan dib u furista xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta dib-u-dhiska dalkaas.

Sidoo kale, xaaladda cakiran ee Suudaan ayaa qodob muhiim ah ka ahayd kulanka. Turkiga iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka sokeeye ee dalkaas, iyadoo la ogyahay in kooxda RSF ay adeegsato hub casri ah oo keena khasaare baaxad leh, gaar ahaan weerarada ay ku hayaan Port Sudan.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Turkiga uu u arko saameynta Imaaraadka ee Soomaaliya mid halis ku ah xiriirka tooska ah ee uu Ankara la leeyahay Villa Soomaaliya. Sidaa darteed, Turkiga wuxuu xoojinayaa xiriir siyaasadeed iyo amni oo uu la yeesho dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda gobolka.

Isbeddelka cusub ee istaraatiijiyadda Turkiga ayaa noqon kara mid beddela saamaynta Imaaraadka oo muddooyinkii ugu dambeeyay si weyn ugu lug lahaa arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyada oo marar badan lagu eedeeyay inay garab siiyaan siyaasiyiin mucaarad ah iyo hoggaamiyeyaal dowlad-goboleedyo.

Waxaa la filayaa in isbeddelkan uu keeno loollan cusub oo ku aaddan cida saameyn ku yeelan doonta masiirka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo Turkigu si cad u muujinayo doonistiisa ah inuu noqdo saaxiibka ugu dhow ee Muqdisho.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

53 minutes ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

2 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

2 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

2 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

2 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

2 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

22 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.