Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Golaha Baarlamaanka oo dib ufurmay + faahfaahin dheerad ah

Muqdisho: Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah dib uga furmay xarunta Villa Hargeysa, kaddib hakad siyaasadeed oo muddo kooban joojiyay shaqadii baarlamaanka, sababo la xiriiray khilaaf siyaasadeed oo sababay in xildhibaano laga mamnuuco…

Amran Mahad by Amran Mahad
May 5, 2025, 3:16 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Baarlamaanka
Share

Baarlamaanka

Muqdisho: Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah dib uga furmay xarunta Villa Hargeysa, kaddib hakad siyaasadeed oo muddo kooban joojiyay shaqadii baarlamaanka, sababo la xiriiray khilaaf siyaasadeed oo sababay in xildhibaano laga mamnuuco ka qeybgalka fadhiyada rasmiga ah ee baarlamaanka.

Dib u furista kulanka ayaa ka dambeysay heshiis laga gaaray muran siyaasadeed oo hore u jiray, taas oo keentay in 24 xildhibaan — oo isugu jira mucaarad iyo qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda — dib loogu oggolaado inay ka qeybgalaan kulamada baarlamaanka.

Xildhibaanadan ayaa horey looga mamnuucay fadhiyada Golaha Baarlamaanka,

Iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen mooshinno iyo khilaafyo siyaasadeed oo si gaar ah u taabanayay hoggaanka Golaha Shacabka.

Inkasta oo arrintan ay tilmaamayso isfaham horudhac ah, hadana xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Guddoonka Golaha iyo xildhibaanada mucaaradka ah wali way taagan tahay.

Mucaaradku waxay wali ku dheggan yihiin mooshinkii ay horey ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyaga oo ku eedeeyay hoggaan xumo iyo ku xadgudub xeer hoosaadka baarlamaanka.

Mooshinkaas wali laguma darin ajandaha rasmiga ah ee kulamada Golaha, iyadoo la filayo in jawaabta Guddoonka ay noqoto mid muhiim ah oo go’aamisa jihada uu u dhaqaaqi doono Baarlamaanku maalmaha soo socda.

Warar aan rasmi ahayn oo laga helay qaar kamid ah xildhibaanada ayaa sheegaya in khilaafka wali yahay mid xooggan, balse fadhiga maanta loo arko tallaabo lagu yarayn karo xiisadda, ama ugu yaraan lagu furi karo wadahadallo cusub oo lagu xallin karo is-marin-waaga siyaasadeed ee jira

Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.