Wararka24: Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa sheegtay inay ka guuri doonto gurigeeda Washington, DC, iyadoo ku sababeysay walaac dhanka amniga ah ka dib markii dhawaan ay ciidamada socdaalka Mareykanka weerar ku qaadeen gurigeeda.
Wareysiga laga qaaday Ilhaan Cumar
Wareysi ay siisay MS NOW Arbacadii, Ilhaan Cumar ayaa markii ugu horreysay ka hadashay weerarka, iyadoo xustay in dhacdadu ay ka dhigtay inay dareento ammaan darro.
Toddobaadkii hore, saraakiishu waxay guriga Ilhaan ka baareen waxa uu afhayeenka Waaxda Caddaaladda ku tilmaamay “waraaqa baaritaan oo sharcigu ogol yahay”, isagoo intaa ku daray in weerarka uu qayb ka ahaa “baaritaan dambiyeed oo socda oo federaal ah”.
Sida aan ka soo xiganay NBC News, oo soo xigatay hal qof oo arrintan xog aogaal ka ah, dacwadaha mustaqbalka ee laga yaabo in lagu soo oogo Ilhaan waxaa ka mid noqon kara shirqool iyo hadallo been abuur ah oo ku jira warqadaheeda socdaalka. Cumar waxay beenisay khaladka waxayna ku eedeysay maamulka inay u geysteen cabsi gelin siyaasadeed.
Ilhaan Cumar, oo ku dhalatay Soomaaliya isla markaana hada ah muwaadin Mareykan ah oo dhalasho ahaan qaadatay, ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay xaqiiqda ah inaanay wax qalad ah sameyn
khilaafka u dhaxeya Ilhaan Cumar iyo madaxweyneTrump
Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga Minnesota ee horumarsan ayaa waxaa si joogto ah u dhaleeceyn jiray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo dhowr jeer ku riixay in la maxkamadeeyo.
Sannado badan, Ilhan Cumar, oo Muslim ah, waxaa lagu daleeceyay aragtiyo kala duwan oo shirqool ah oo ka dhan ah socdaalka, oo ay ku jiraan eedeymo sheegaya inay guursatay walaalkeed. Ilhan Cumar ayaa si isdaba joog ah u beenisay eedeymahaas iyagoo ku tilmaamay “been abur”.
baritaankii shanta saac ka socday Guriga Ilhan Cumar
Wareysi ay siisay MS NOW, Ilhan waxay sheegtay inay aad uga naxday baaritaankaas, xilli ay ka harsan yihiin toddobaadyo uun doorashooyinka dhexe ee 3-da Nofeembar, kuwaas oo go’aamin doona cidda maamuli doonta Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka. Ilhan aya u tartamaysaa in dib loo doorto iyadoo matalaysa degmo si adag u taageerta xisbiga Dimuqraadiga ,waxaana la filayaa inay kursigeeda sii haysato.
Ilhan waxay sheegtay markii ay soo kacday abbaare 6-dii subaxnimo Ciidamada socdaalka aya albaabka ku soo garaacay iyagoo wata warqad amar ah. Waxay baritaanka wadeen ilaa shan saacadood waxayna qateen 17 shay, oo ay ku jiraan taleefanno, buugaag xusuus ah, buug carruureed oo ku qoran afka Soomaaliga iyo kamarad marhore la isticmali jiray.
Baaritaanka ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay Dimuqraadiyiinta Kongareeska, kuwaas oo sidoo kale su’aal ka keenay waqtiga la fuliyay. Ilhan aya sheegay in wakiilladu ay ahaayeen kuwo “faragelin badan sameynayay balse edeb leh”, iyagoo diiwaangelinaya alaabta ay qaateen, halka wixii kalena ay ku celinayeen meelahoodii.









