Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed maanta lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen duleedka degmada Waajid.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
October 21, 2026, 10:31 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen
Share

Wararka24: Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed maanta lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen duleedka degmada Waajid.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah, duqeynta ayaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo ciidamo hubeysan. Hase yeeshee, weli lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka, mana cadda tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya ayaa sheegeen in howlgalka loo fuliyay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka socda deegaannadaas. Si kastaba, faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan bartilmaameedka iyo natiijada duqeynta weli lama helin.

Xaaladda amni ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa weli kacsan, iyadoo la soo sheegayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda qaybo ka mid ah labada gobol. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan iska horimaadyada la xiriira khilaafka siyaasadeed iyo kan milatari ee ka jira Koonfur Galbeed.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamo taabacsan Laftagareen iyo dhinacyada ka soo horjeeda ayaa ku lug lahaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay deegaanno kala duwan. Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo mucaarad ku ah maamulka Baydhabo ay la wareegeen degmooyin iyo deegaanno dhowr ah, inkastoo faahfaahinta xaaladda goobahaas ay u baahan tahay xaqiijin dheeraad ah.

Xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta loollanka u dhexeeya ciidamada taageersan maamulka Laftagareen iyo kuwa garab ka hela Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iska horimaadyada iyo dhaqdhaqaaqyada milatari ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda ay ku faafto deegaanno kale oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Ilaa hadda, lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee duqeynta ka dhacday duleedka Waajid. Waxaa sidoo kale weli la sugayaa faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan cidda fulisay weerarka iyo natiijada howlgalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

9 hours ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

1 day ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

1 day ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

1 day ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

2 days ago
Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

2 days ago
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

3 days ago
Ruushka oo diyaar u ah dib u bilaabista wadahadallada Ukraine

Ruushka oo diyaar u ah dib u bilaabista wadahadallada Ukraine

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.