Muqdisho (Wararka24) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Talaado ah xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee cusub, Ferhat Alkan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Qoraal uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daabacay boggiisa rasmiga ah ee Facebook ayuu ku sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhaqaalaha, amniga iyo diblomaasiyadda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa safiirka u sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay ballaarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Ankara. Wuxuu Turkiga ku tilmaamay saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya ka caawiya horumarka iyo dowlad-dhiska.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dowladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay u fidiyaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
Warbixinnada kulanka laga bixiyay kama muuqan heshiis cusub ama ballanqaad lacageed oo la shaaciyay.
Waa kumaa Ferhat Alkan, safiirka cusub ee Turkiga?
Ferhat Alkan ayaa shaqadiisa Muqdisho si rasmi ah u bilaabay 21-ka Sebteembar 2026, sida ay sheegtay safaaradda Turkiga. Wuxuu xilka kala wareegay Alper Aktas, oo safiir ka ahaa Soomaaliya laga soo bilaabo Maarso 2024 ilaa bartamihii Sebteembar 2026.
Turkiga ayaa bishii Juun Alkan u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya. Alkan waa diblomaasi ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga tan iyo 2001. Ka hor intii uusan Soomaaliya imaan, wuxuu safiir u ahaa Mozambique, sidoo kalena wuxuu jagooyin diblomaasiyadeed ka soo qabtay Afgaanistaan, Mareykanka iyo Shiinaha.
Dhammaadkii Sebteembar, safiirka ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Xasan Maxamed Cali “Nadaara”, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, kaddibna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kaga guddoomay.
Safiirka ayaa toddobaadkan bilaabay kulamo uu la yeelanayo masuuliyiinta dowladda, waxaana ka mid ahaa kulan uu la qaatay Wasiirka Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadan, oo uu kala hadlay iskaashiga kaluumeysiga.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga
Turkiga ayaa tan iyo booqashadii uu Erdogan ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, xilligii abaarta, noqday dal si weyn ugu lug leh arrimaha Soomaaliya. Shirkado Turki ah ayaa maamula garoonka iyo dekedda Muqdisho
Ilaa hadda lama shaacin qorshayaal gaar ah oo ka soo baxay kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub.









