Wararka24: Maxkamadda Sare ee Sacuudi Carabiya ayaa laashay xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Anojan Sivarasa, oo ah shaqaale muhaajir ah oo u dhashay Sri Lanka, kaas oo lagu eedeeyay inuu baraha bulshada ku qoray faallo loo arkay aflagaado ka dhan ah Islaamka iyo Nabi Muxamed. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sri Lanka, Arun Hemachandra, ayaa xaqiijiyay in go’aanka dilka laga noqday.
Sivarasa, oo 27 jir ah, ayaa xukunka dilka lagu riday bishii Sebtembar, kaddib markii maxkamadda racfaanka ee Sacuudigu ay dambi ku heshay. Kiiska ayaa walaac xooggan ka dhaliyay Sri Lanka, waxaana dowladda iyo dad kale oo ku lug lahaa arrinta ay bilaabeen dadaallo diblomaasiyadeed iyo sharci oo lagu doonayay in naftiisa lagu badbaadiyo.
Hemachandra ayaa qoraal uu Arbacadii ku daabacay Facebook ku sheegay in maxkamadda ugu sarreysa Sacuudigu ay dib u laabatay xukunka dilka. Wuxuu uga mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo kooxaha sharciga ee labada dal dadaalkii ay ku bixiyeen kiiska.
Arrinta ayaa salka ku haysay dood ka dhalatay muuqaal baraha bulshada ku faafay dhammaadkii Juun, kaas oo muujinayay nin dhallinyaro ah oo Muslim ah oo laadlaadiyay ey, kaddib markii uu daba socday xujey Hindu ah. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood diimeed oo xooggan oo internetka ka dhacday.
Sivarasa ayaa luqadda Tamil-ka kaga jawaabay hadal loo arkay aflagaado ka dhan ah Nabi Muxamed. Inkastoo uu markii dambe tirtiray faallada oo uu soo bandhigay muuqaal raalli-gelin ah, haddana sawir laga qaaday qoraalka ayaa loo gudbiyay loo-shaqeeyihiisa iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga, waxaana la xiray bishii Luulyo.
Maxkamadda Dembiyada ee Al-Ahsa ayaa markii hore Sivarasa ku xukuntay shan sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan saddex milyan oo riyal Sacuudi ah. Xukunkaas ayaa markii dambe la beddelay, iyadoo maxkamadda racfaanku ay soo saartay xukun dil ah.
Xildhibaan Faizer Mustafa oo Sri Lanka ah, kana qayb qaatay wada-hadallada sharci ee Sacuudiga, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in xukunka dilka laga noqday. Wuxuu sheegay in dib loo eegayo go’aankii ugu dambeeyay ee maxkamadda sare, balse aan weli caddayn tallaabada xigta ee kiiska laga qaadi doono.
Sidoo kale, lama oga in Sivarasa uu sii ahaan doono mid xiran iyo muddada ay qaadan doonto in arrintiisa la soo afjaro. Qoyskiisa ayaa hore u sheegay inaysan xiriir toos ah la yeelan tan iyo 28-kii Sebtembar.
Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa iyaguna ku baaqay in naftiisa la badbaadiyo. Joey Shea, oo ah cilmi-baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Sacuudiga, ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta dalkaas inay joojiyaan adeegsiga sharciyada lagu ciqaabo hadallada, gaar ahaan marka ay khuseeyaan shaqaalaha muhaajiriinta ah ee wajahaya xaalado nugul.

