Wararka24: Maxkamad ku taalla magaalada Mainz ee dalka Jarmalka ayaa diidday codsi degdeg ah oo ay haweeney Soomaali ah oo 38 jir ah ku dooneysay in lagu hakiyo masaafurinteeda Soomaaliya, kadib markii lagala noqday aqoonsigii qaxootinimo ee ay haysatay, isla markaana uu dhacay sharcigii degenaanshaheeda.
Haweeneydan ayaa bishii Sebtembar ee sannadkan lagu helay dambi la xiriira hurinta nacaybka, waxaana lagu xukumay ganaax dhan 5,400 oo Yuuro. Kiiska ayaa salka ku haya muuqaallo ay ku baahisay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo lagu sheegay inay ku jirtay baaqyo rabshado loogu geysanayo xubno ka tirsan beel ay isku hayaan Soomaaliya.
Maxkamadda maamulka ee Mainz ayaa go’aankeeda ku sheegtay inaanay jirin caqabad sharci oo ku filan oo hor istaagaysa fulinta masaafurinta. Garsoorayaashu waxay xuseen in sharcigii degenaanshaha haweeneyda uu dhacay bishii Luulyo, iyadoo aan codsan in loo kordhiyo.
Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay in haweeneydu aysan soo bandhigin caddeymo ku filan oo muujinaya inay Soomaaliya kala kulmi karto dil, jirdil ama khataro kale oo sharci ahaan hor istaagi kara dib u celinteeda. Sida ku cad go’aanka, sheegashooyinka ay ka gudbisay khataraha ay wajihi karto waxay ahaayeen kuwo guud oo aan lagu taageerin caddeymo la taaban karo.
Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Qaxootiga Jarmalka (BAMF) ayaa bishii May kala noqday haweeneyda aqoonsigii qaxootinimo, kadib markii la ogaaday inay dhowr jeer u safartay Soomaaliya, safarradaasna ay ku soo bandhigtay muuqaallo ay TikTok ku baahisay. Tallaabadaas ayaa meesha ka saartay ilaalintii ay ku heli jirtay xaaladdeedii qaxootinimo.
Si kastaba, maxkamaddu waxay qayb ahaan aqbashay cabashadeeda la xiriirtay mamnuucidda gelitaanka iyo degenaanshaha Jarmalka muddo shan sano ah. Garsoorayaashu waxay si ku-meel-gaar ah u hakiyeen fulinta mamnuuciddaas, iyagoo sheegay in mas’uuliyiintu aysan si ku filan u sharxin sababta muddada shanta sano ah loo doortay.
Go’aanka maxkamaddu wuxuu kala saarayaa masaafurinta iyo mamnuucidda gelitaanka dalka. Sidaas darteed, hakinta ku-meel-gaarka ah ee mamnuucidda gelitaanka iyo degenaanshaha macnaheedu ma aha in la hakiyay masaafurinta haweeneyda.









