Wararka24: Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa ku dhawaaqday olole militari oo ballaaran oo lagu doonayo in dib loogu qabsado dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta, taas oo sii kordhisay dagaalka u dhexeeya labada dhinac. Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Madaxtinimada Yemen, Rashad al-Alimi, ayaa sheegay in howlgalladu ay socon doonaan ilaa laga soo celinayo dhulalka ay Xuutiyiintu haystaan.
Sacuudiga oo ka qeyb qaadhan doona ololaha militari ee ballaaran
Al-Alimi ayaa sheegay in go’aankaasi yimid kadib markii la waayay fursado kale oo lagu dejin karo colaadda. Dowladda Yemen ayaa taageero militari ka heleysa Sacuudiga, kaas oo diyaaradihiisu ka qeyb qaadanayaan duqeymaha lagu beegsanayo fariisimaha Xuutiyiinta.
Xuutiyiintu waxay toddobaadyadii lasoo dhaafay sameeyeen horumar militari oo ay ku qabsadeen qaybo muhiim ah oo ka tirsan xeebaha Badda Cas iyo dhulka ku dhow marinka Baab al-Mandab. Horumarkaas ayaa kordhiyay walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga iyo gaadiidka tamarta ee mara gobolka.
Dagaalka ugu culus ayaa hadda ka socda agagaarka magaalada Taiz, oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ay weli joogaan ciidamo taageersan dowladda. Ilo militari oo dowladda Yemen ah ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay cadaadis ku hayaan waddada muhiimka ah ee isku xirta Taiz iyo Aden, taas oo haddii si buuxda loo gooyo keeni karta in magaalada ay wajahdo go’doomin.
Dowladda Yemen ayaa Jimcihii sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ay 20 weerar ka fulisay gobolka Taiz muddo saddex saacadood ah, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dhaqdhaqaaqyada, gaadiidka iyo qalabka militari ee Xuutiyiinta. Xukuumaddu waxay sidoo kale sheegtay in dagaalladu ay ka socdaan dhowr jiho.
Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen goobo ay leedahay shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco, gaar ahaan Riyadh iyo Khurais. Reuters ayaa sheegtay in qiiq iyo dab laga arkay agagaarka xarun Aramco oo Riyadh ku taalla, balse Sacuudiga iyo Aramco aysan si degdeg ah u xaqiijin weerarka ama waxyeellada la sheegay.
Sacuudiga ayaa dhankiisa sheegay inuu sii wadi doono taageerada ciidamada dowladda Yemen, iyadoo Riyadh ay ku lug leedahay duqeymaha cirka iyo taageerada ciidamada dhulka. Dib u billowga dagaalka ayaa soo afjaray xasilloonidii inta badan jirtay tan iyo xabbad-joojintii 2022, waxaana dagaallada cusub ay durba sababeen barakac iyo xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa.









