Wararka24: Dowladda Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari, iyadoo dib-u-habaynta ciidamadeeda ay kusoo beegantay xilli dagaallo culus ay dib uga qarxeen waqooyiga dalkaas. Bloomberg ayaa sheegtay in ciidamadan laga yaabo inay dalka ka baxaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in qorshaha uu ku saleysan yahay xog laga helay dad arrintan wax ka og, balse aan loo oggolaan inay si rasmi ah uga hadlaan. Ilaa hadda ma cadda in ciidamada la qorsheynayo in la saaro ay yihiin kuwa Itoobiya uga tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ciidamada ku jooga heshiisyo amni oo laba geesood ah, ama labada dhinacba.
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in Addis Ababa ay si rasmi dowladda federaalka ugu wargelin qorshe noocaas ah. Itoobiya ayaa muddo dheer kumannaan askari ku haysay Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ka howlgalaan deegaanno ay kamid yihiin Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gedo.
Qorshaha la sheegay ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaallo cusub ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan deegaannada Tigray iyo nawaaxigeeda. Bloomberg ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogag xulufo la ah ay dagaallo kula jiraan ciidamada TPLF iyo kooxo kale oo hubeysan, iyadoo xaaladdu ay cadaadis saartay heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee 2022.
Hay’adda Médecins Sans Frontières ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhaawacmay dagaallada ay si weyn u kordheen. Intii u dhaxeysay 22 iyo 25 Sebtembar, in ka badan 420 dhaawac ayaa lagu daweeyay isbitaallada Korem iyo Alamata, halka in ka badan 300 qof oo kale ay gaareen isbitaalka Suhul ee Shire.
Xiisadda ayaa sidoo kale la xiriirta isbahaysi ay dhawaan ku dhawaaqeen toddobo kooxood oo hubeysan, kuwaas oo ay kamid yihiin TPLF, Oromo Liberation Army iyo Fano, kuwaas oo sheegay inay doonayaan isbeddel siyaasadeed iyo maamul ku-meel-gaar ah.
Haddii qorshaha ciidamada Itoobiya uu hirgalo, wuxuu saameyn ku yeelan karaa joogitaanka milatari ee Itoobiya ee Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Itoobiya ayaa sanadkii 2020 sidoo kale Soomaaliya kala baxday kumannaan askari xilli dagaalkii Tigray uu ka qarxay waqooyiga dalkaas, taasoo keentay in ciidamo loo raro furimaha gudaha Itoobiya.
Si kastaba, ilaa hadda dowladda Itoobiya si rasmi ah uma xaqiijin qorshaha la sheegay, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay AUSSOM oo sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah si ballaaran looga saarayo Soomaaliya.









