Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Ciyaaraha

Lionel Messi oo si xusuus leh loo macsalaameeyay Xulka Argentina

Lionel Messi ayaa si qiiro leh u soo gabagabeeyay waayihiisii ciyaareed ee xulka Argentina, isagoo dhaliyay gool isla markaana sameeyay laba caawin kulankiisii ugu dambeeyay ee heer caalami. Argentina ayaa 3-0 kaga adkaatay Benin ciyaar saaxiibtinimo oo ka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
October 7, 2026, 10:05 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Lionel Messi oo si xusuus leh loo macsalaameeyay Xulka Argentina
Share

Wararka24: Lionel Messi ayaa si qiiro leh u soo gabagabeeyay waayihiisii ciyaareed ee xulka Argentina, isagoo dhaliyay gool isla markaana sameeyay laba caawin kulankiisii ugu dambeeyay ee heer caalami. Argentina ayaa 3-0 kaga adkaatay Benin ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday garoonka Monumental ee Buenos Aires, iyadoo in ka badan 85,000 oo taageerayaal ah ay goob joog ka ahaayeen.

Messi oo 39 jir ah ayaa ciyaaray kulankiisii 208-aad ee xulka Argentina, waxaana uu kulanka ku soo xiray 126 gool oo heer caalami ah. Ka hor inta uusan isaga golka dalinin, wuxuu caawiyay Nicolás Otamendi iyo Nico Paz, kaddibna daqiiqaddii 71-aad ayuu rigoore u beddelay goolka saddexaad.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu diyaariyay sagootinta Messi, iyadoo ciyaarta la hakiyay daqiiqaddii 10-aad si taageerayaashu ugu sameeyaan sacab iyo xushmad gaar ah, maadaama uu xirto lambarka 10. Rashka, bandhigyada iyo sawirka weyn ee ku qornaa “Gracias” ayaa qayb ka ahaa munaasabadda.

Markii ciyaartu dhammaatay, Messi ayaa muddo dhowr daqiiqo ah la hadlay taageerayaasha, isaga oo si muuqata u qiirooday. Waxa uu sheegay inuu ka tagayo xulka isagoo dareemaya mahadnaq, sharaf iyo xasillooni, isagoo xusay aabihii Jorge oo geeriyooday ka hor kulankan.

Messi ayaa xulka Argentina u saftay markii ugu horreysay sannadkii 2005, waxaana 21 sano oo uu kooxda qaranka la joogay uu kula guuleystay Koobka Adduunka 2022 iyo laba koob oo Copa América ah. Wuxuu sidoo kale noqday ciyaaryahanka ugu safashada badan iyo gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Argentina.

Sagootinta ayaa sidoo kale ahayd mid xusuus gaar ah u leh Nicolás Otamendi, oo isaguna ciyaarayay kulankiisii ugu dambeeyay ee Argentina. Labada ciyaaryahan ayaa muddo dheer wada matalay xulka, waxaana Otamendi uu dhaliyay goolkii furitaanka kadib caawin uu ka helay Messi.

Tababaraha Argentina, Lionel Scaloni, ayaa isaguna muujiyay sida ay u adkeyd sagootinta Messi. Waxa uu sheegay inay ahayd fursad weyn inuu muddo dheer la shaqeeyo ciyaaryahanka, isagoo qiiro ka muujiyay dhammaadka waayaha Messi ee xulka.

Messi wuxuu hadda sii wadan doonaa xirfaddiisa heerka kooxaha, isagoo u ciyaaraya Inter Miami ee Major League Soccer. Si kastaba, kulankii Benin wuxuu calaamad u noqday dhammaadka 21 sano oo uu xulka Argentina ku matalayay, isagoo ka tagay rikoorro iyo koobab waaweyn oo taariikhda xulka qayb ka noqday.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.