Wararka24: Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah kadib markii diyaarad militari oo dalkaasi leedahay ay ku burburtay gobolka Ondo, iyadoo ay dhinteen dhammaan 32 qof oo saarnaa. Diyaaradda ayaa Axaddii ka duushay Benin City iyadoo ku sii jeedda Lagos, waxaayna burburtay xilli ay ku jirtay hawlgal caadi ah.
Mas’uuliyiinta Nigeria ayaa sheegay in diyaaradda, oo ahayd nooca ATR-42, ay sidday 25 rakaab ah iyo toddobo xubnood oo shaqaale ah. Burburka ayaa laga helay meel u dhow Igbokoda oo ka tirsan gobolka Ondo, kadib markii hawlaha raadinta iyo samatabbixinta la bilaabay markii ay fashilmeen isku-dayadii in lala xiriira diyaaradda.
Wasiirka Duulista Hawada Nigeria Festus Keyamo ayaa sheegay in diyaaradda oo lahayd lambarka NGR 931 ay ka luntay xiriirka raadiyaha xilli ay u socotay Lagos. Mas’uuliyiintu waxay markii dambe xaqiijiyeen in burburka diyaaradda laga helay meel u dhow saldhig ciidamada badda ah oo ku yaalla Igbokoda.
Madaxweyne Tinubu ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilka, isagoo sheegay in tani ay tahay waqti xanuun badan oo ku dhacay ciidamada qalabka sida iyo shacabka Nigeria. Wuxuu sidoo kale amar ku bixiyay in calanka qaranka hoos loo dhigo inta lagu guda jiro muddada baroordiiqda saddexda maalmood ah.
Tinubu ayaa Ciidanka Cirka Nigeria faray inay bilaabaan baaritaan dhammaystiran oo lagu ogaanayo sababta keentay shilka. Madaxweynaha ayaa sheegay in baaritaanka looga gol leeyahay in la caddeeyo waxa sababay musiibada, isla markaana laga hortago inay dhacdo musiibo kale oo la mid ah mustaqbalka.
Aqoonsiga dhammaan dadkii ku dhintay shilka ayaan weli si rasmi ah loo shaacin. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in magacyada saraakiisha iyo xubnaha kale ee ku dhintay diyaaradda la shaacin doono kadib marka qoysaskooda si rasmi ah loo wargeliyo.
Shilkan ayaa noqday mid ka mid ah musiibooyinka diyaaradeed ee ugu dhimashada badan Nigeria sannadihii u dambeeyay. Ciidanka Cirka Nigeria ayaa door muhiim ah ku leh hawlgallada amni ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan iyo howlgallada ka dhanka ah amni-darrada ka jirta qaybo badan oo dalka ah.

