Wararka24: Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa Jimcihii soo bandhigtay ciidamo cusub oo lagu tababaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo kamid noqonaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland. Ciidamadan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay degmada ku qaatay tababar ciidan oo heer kumaandoos ah.
Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey), ayaa ciidamada u soo xiray tababarka, isagoo ugu hambalyeeyay dhameystirka marxaladda tababarka. Wuxuu kula dardaarmay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka iyo dalka, maadaama ay hadda bilaabayaan waajibaadkooda ciidan.
Lafeey ayaa sidoo kale ciidamada kula taliyay inay ilaaliyaan anshaxa, sharafta iyo sumcadda ciidamada, isla markaana ay dhowraan midnimada iyo qarannimada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in hab-dhaqanka ciidamada uu muhiim u yahay kalsoonida shacabka iyo gudashada waajibaadkooda.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada cusub ay ka qayb qaadan doonaan sugidda amniga gobolka Gedo iyo howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab. Wuxuu xusay inay door ka qaadan doonaan qorshayaasha lagu doonayo in dib loogu soo celiyo gacan-ku-haynta deegaanada ay kooxdaasi weli maamusho.

Lafeey ayaa sidoo kale mahadcelin u jeediyay hoggaanka ciidamada, gaar ahaan taliyaha amniga degmada Doolow. Wuxuu ku ammaanay hoggaanka ciidamada isku-duubni iyo daacadnimo uu sheegay inay gacan ka geysteen dhameystirka tababarka iyo diyaarinta ciidamada cusub.
Soo bandhigista ciidamada ayaa ku soo beegmaysa xilli isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni ay ka dhaceen gobolka Gedo. Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan gaaray heshiis la xiriira xaaladda gobolka, iyadoo Janan uu dowladda federaalka Soomaaliya u qaabilsanaa hawlaha Gedo, isla markaana uu hoggaaminayay ciidamo halkaas ka howlgala.
Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe muujisay qorshe ay ku doonayso inay dib ugu soo celiso gacan-ku-haynta degmooyinka Gedo ee ka maqan maamulkeeda. Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa iyaduna dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo kuwo siyaasadeed ka wada gobolka, taasoo Gedo ka dhigtay meel si dhow isha loogu hayo.
Si kastaba, xaaladda gobolka ayaa hadda u muuqata mid ka deggan marka loo eego xiisadihii iyo iska horimaadyadii ka dhacay Gedo bilihii lasoo dhaafay. Ciidamada cusub ee Jubbaland ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan qorshaha maamulka ee la xiriira sugidda amniga iyo howlgallada militari ee gobolka.







