• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xamse: Waxaan rajeynayaa in, haddii Alle idmo, la gaaro heshiis wanaagsan oo loo dhan yahay

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xamse: Waxaan rajeynayaa in, haddii Alle idmo, la gaaro heshiis wanaagsan oo loo dhan yahay
Share

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wada-hadallada iyo la-tashiyada siyaasadeed ee maalmahan ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay xukuumaddu la yeelanayso siyaasiyiin Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan madax hore iyo hoggaamiyeyaal kale, si looga wada tashado arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegay in wada-hadalladu ay si wanaagsan ku socdaan, isagoo muujiyay rajo ah in laga gaaro heshiis ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada.

“Waxaan rajeynayaa in, haddii Alle idmo, la gaaro heshiis wanaagsan oo loo dhan yahay,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad iyo hannaan nabadeed, isagoo xusay inay diyaar u tahay inay sii waddo dadaallada lagu dhisayo isfaham siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay aragtida sii kordheysa ee ku aaddan dib-u-habeynta siyaasadda dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin xaqa ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Dhanka kale, Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay dowladda kala shaqeeyaan laba arrimood oo uu ku tilmaamay mudnaan qaran, kuwaas oo kala ah dardargelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo difaaca midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu muujiyay rajo ah in haddii laga heshiiyo qodobada harsan, Soomaaliya ay u gudbi doonto marxalad siyaasadeed oo horseedda xasillooni, is-afgarad iyo horumar siyaasadeed.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.