Wararka24: Hay’adaha gargaarka bini’aadantinimada ayaa ka digay in isbeddelka cimilada ee El Niño uu bilaha soo socda kordhin karo halista fatahaadaha, abaaraha, cudurrada iyo kulaylka daran ee ka dhaca dalal badan oo ku yaalla Bariga Afrika iyo Aasiya, iyadoo Soomaaliya lagu tilmaamay inay ka mid tahay dalalka ugu nugul saameynta xaaladdan.
Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya, Kenya, Uganda, Bangladesh, Pakistan iyo Afghanistan ay yihiin dalalka laga cabsi qabo inay si weyn u saameeyaan cawaaqibta El Niño.
Hay’addu waxay xustay in saadaashii la sameeyay bishii Juun ay muujisay boqolkiiba 60 suurtagalnimada in roobab ka badan heerkii caadiga ahaa ay ka da’aan gobollada koonfureed iyo koonfur-galbeed ee Soomaaliya.
IRC ayaa sheegtay in Soomaaliya ay horey ula tacaalaysay caqabado bani’aadantinimo oo ay ka mid yihiin abaarta, barakaca iyo cunno-yaraanta, iyadoo lagu qiyaasay in ku dhawaad 4.8 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar. Hay’addu waxay ka digtay in fatahaado cusub oo la xiriira El Niño ay sii xumeyn karaan xaaladda, isla markaana ay caqabad ku noqon karaan dadaallada gurmadka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in fatahaadihii dhacay sanadkii 2023 ay sababeen burbur ballaaran, isla markaana ay baabi’iyeen ku dhawaad 13,000 oo tan oo dalagyo ah. Sida ay khubaradu sheegeen, haddii xaalad la mid ah ay mar kale dhacdo waxaa suuragal ah inay sii kordhaan khasaaraha soo gaara bulshada, beeraha iyo kaabeyaasha muhiimka ah.
Dhanka kale, IRC waxay sheegtay in roobabka ka da’a dhulka sare ee Itoobiya iyo kuwa xilliga dayrta ay sare u qaadi karaan heerarka biyaha webiyada Soomaaliya, taasoo kordhin karta khatarta fatahaadaha iyo faafitaanka cudurrada ka dhasha biyaha wasakhaysan, sida daacuunka iyo shubanka.
Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa iyaduna hore ugu baaqday in Soomaaliya ay isu diyaariso isbeddellada cimilada iyo saameynta la filayo bilaha soo socda.


















