Doha – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shirweynaha dalalka Islaamka iyo Carabta.
Inta uu shirku socdo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona madaxda dalalka ka qaybgalaya, iyadoo diiradda la saari doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Safarka madaxweynaha ee Doxa ayaa loo arkaa mid muhiim u ah diblomaasiyadda Soomaaliya, maadaama uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah iyo taageerada ay dalalka Islaamka iyo Carabta u fidin karaan Soomaaliya.