Dar es Salaam – Warbixin cusub ee ay soo saareen Henley Passport Power Index 2025 ayaa shaacisay in Tanzania iyo Kenya ay ku jiraan dalalka Afrika ee baasaboorradooda awoodda safarka caalamiga ah ay aad u hooseyso, halka Mauritius iyo Seychelles ay weli hoggaanka hayaan.
Qiimeynta ayaa lagu saleynayaa waxa loo yaqaan economic mobility score, oo ah boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee caalamka (GDP) ay muwaadiniintu geli karaan iyagoo aan fiiso hore u qaadan ama lagu siiyo fiiso marka ay tagaan. Tanzania ayaa heshay 5.39%, halka Kenya ay ku dhamaatay 5.05%.
Inkasta oo baasaboorka Tanzania uu ka sarreeyo kan Kenya, haddana labada dal ayaa ka dambeeya waddamada yaryar ee jasiiradaha sida Mauritius iyo Seychelles. Dalalkaasi ayaa muwaadiniintooda u oggolaanaya inay si xor ah ugu safraan dalal badan oo caalamka ah. Mauritius ayaa heshay 55.53%, halka Seychelles ay gaadhay 55.25%.
Dalalka kale ee Bariga Afrika sida Mozambique iyo Rwanda ayaa sidoo kale lagu daray liiska. Mozambique ayaa heshay 4.86%, halka Rwanda ay ku dhamaatay 4.49%, taasoo muujineysa in fursadaha socdaalka iyo dhaqaalaha ee muwaadiniinta dalalkaasi ay weli aad u xaddidan yihiin.
Khabiirro arrimaha diblomaasiyadda ayaa sheegay in guusha Mauritius iyo Seychelles ay ka dhalatay heshiisyo badan oo visa-free ah iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ay la sameeyeen dalal caalami ah. Tani waxay siisay muwaadiniintooda awood safar oo aad uga weyn inta ay haystaan waddamada kale ee gobolka.
Warbixintan ayaa muujisay in baasaboorka uu yahay aalad muhiim ah oo fursado waxbarasho, ganacsi iyo dhaqaale loogu furnaan karo. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay in dalalka Bariga Afrika ay u baahan yihiin inay xoojiyaan heshiisyada caalamiga ah si ay muwaadiniintooda ugu sahlaan safarka iyo ka qeyb qaadashada fursadaha caalamka.