Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka ku soo laabtay caasimadda Muqdisho kadib safarro shaqo oo uu ku tagay dalalka Shiinaha iyo Serbia.
Intii uu ku sugnaa dalka Shiinaha, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka qeyb galay Shirka 7-aad ee China-Arab States Expo, halkaas oo uu khudbad ka jeediyay, kuna adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal. Sidoo kale, wuxuu la kulmay madax ka tirsan dowladda Shiinaha, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo in Beijing ay maalgashi ku sameyso fursadaha ballaaran ee Soomaaliya ka jira.
Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Serbia, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay caasimadda Belgrade. Wuxuu qasriga madaxtooyada kula kulmay dhiggiisa Serbia, Mudane Duro Macut, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Safarradan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah diblomaasiyadda Soomaaliya, iyadoo la filayo in ay horseedaan fursado cusub oo ku saabsan maalgashi, iskaashi siyaasadeed iyo xiriir diblomaasiyadeed oo sii xooggaada.