
Wararka24, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka hadlay dagaalka ka soconaya qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan kuwa lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish.
Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya kuwa Difaaca Shacabka, ayaa Shabaabka kula dagaalamaya deegaano ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug. Dhanka kale, Ciidanka Difaaca Puntland ayaa Daacish kula dagaalamaya Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Daacish iyo Al Shabaab

Ayaa Sidokale sheegay in guulo laga gaaray dagaaladaasi, lagana adkaan doono kooxaha argagixisada ee baqdingelinta ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Waan ka adkaanaynaa kuwa qaba in dadka meesha ay joogaan jooga in lagu hayo argagaxa, cabsida iyo barakacinta kuwa ku haya waan ka qabanaynaa, waana ka adkaanaynaa dhinac kasta oo ay joogaan ama Daacish ha ahaadaan ama Shabaab,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa reer Puntland iyo labada maamul ee kale ee Galmudug iyo Hirshabelle ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen la dagaalanka kooxahaasi.
Argagixiso oo dhan in laga adkaaday waxay bilaabatay maalinta dadka Soomaaliyeed, dowladda iyo dadkeeda, culimada, abwaanada iyo dhallinyarada markii ay garteen, kuna baraarugeen in shacabka loo sheego in nimankan waxa ay wadaan diin inaanay ahayn, dadnimana aanay ahayn maalintii dadka loo sheegay, maalintaas ayay guusha bilaabatay,” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xusay in dowladdu ay ballaarin doonto nidaamka caafimaadka dalka, isla-markaana ay adeegyada bulshada gaarsiin doonto deegaanada laga xoreeyay Al Shabaab iyo dhulka fog ee miyiga.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka, oo uu ku eedeeyay inay dowladda ceebeynayaan.
“Siyaasiyiinta waxaan leeyahay wax badan oo fiican oo dadka Soomaaliyeed loo sheegaa jiro u sheega ama hadday u qabsoomeynee u muujiya ama berri ayay qaban karaanee u tilmaama oo dhaha meeshaasaa gaari karnaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta ku dhaliilay bedelkii ay si hoose dowladda wax ugu sheegi lahaayeen, talooyina ay siin lahaayeen ay ka fagaareyaasha ka ceebeynayaan.
“Waxa xun iyo waanada hoos isu sheegid ayay leedahay. Waano sidaydaba waa gaar, qofka inaad u tagto oo tiraahdo walaalow waxaan aad sameynayso waa laga fiican yahay ee ka joog inaad tiraahdid aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, ajar iyo xasaanadna Ilaahay waa kaa siinayaa. Shaarica markaad la istaagtid, waano ma ahan, cambaareyn, ceebeyn iyo caay waaye ee waano ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu maanta xarigga kaga jaray isbitaal laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

Madaxweyne Ruto ayaa u ambabaxay Moscow si uu uga qayb galo shirka Ruushka iyo Afrika, waxaana la filayaa inuu la kulmo Putin.
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku aysan si ula kac ah u bartilmaameedsan dadka rayidka ah, isla markaana aysan fatahaadaha ama xaaladaha cimilada u adeegsan xeelad dagaal
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 75 dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab la dilay, halka 56 kalena lagu dhaawacay howlgal militari oo ka dhacay deegaanka Jameeca, oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.War-saxaafadeed ay…












