Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Hay’adda Socdaalka oo so bandhigtay baasaboorka cusub ee Somaliya

Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda baasaboorka cusub ee EAC. Akhri noocyadiisa, midabada iyo waxa laga ogyahay bixintiisa.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 2, 2026, 5:29 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Hay’adda Socdaalka oo so bandhigtay  baasaboorka cusub ee Somaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Muqdisho (Wararka24) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Somaliya ayaa manta oo Isniin ah soo bandhigtay naqshada baasaboorka cusub ee dalka, kaas oo markii ugu horreysay ay ku qoran tahay magaca Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Hay’adda ayaa sheegtay in baasaboorku uu muujinayo aqoonsiga qaranka iyo sumcadda Somaaliya ee dibadda, isla markaana qoraalka EAC uu yahay calaamad rasmi ah oo tilmamaysa xubinnimada Somaaliya ee ururka.

Baasaboorka cusub ayaa noqon doona sadex nooc oo midabyo kala duwan leh. Baasaboorka caadiga ah oo buluug ah ayaa loogu talagalay muwaadiniinta u safraya dibadda si ay u dalxiisaan, wax u bartaan, ganacsi u galaan ama qoysaskooda u booqdaan.

Baasaboorka shaqada oo cagaar ah ayaa loogu talagalay shaqaalaha dowladda iyo masuuliyiinta u safraya hawlo rasmi ah. Nooca saddexaad waa baasaboorka diblomaasiyada, oo ay qaadan doonaan diblomaasiyiinta iyo saraakiisha sare ee sharcigu u oggol yahay.

Hay’addu ma aysan shaacin xilliga si rasmi ah loo bilaabayo bixinta baasaboorka, qiimaha uu ku fadhiyo iyo muddada uu shaqeynayo.

Agasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Iidow, ayaa dhawaan sheegay in baasaborka la filayo in la soo saaro dhamaadka sannadkan. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay dhamaystirtay qayb weyn oo ka mid ah habraacyada looga baahan yahay, inkastoo ay weli jiraan qaar aan la dhamaystirin.

Bishii Janaayo ee sanadkan, hay’addu waxay ku dhawaaqday in baasaboorka cusub uu yeelan doono nidaam ammaan oo la xoojiyay, uuna buuxin doono heerarka Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO), si looga hortago been-abuurka loona kordhiyo aqbalaadda uu ka helo xuduudaha.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in baasaboorrada hadda la isticmaalo ay sii shaqeyn doonaan, muwaadiniintana la siin doono tilmaamo ku saabsan sida loogu wareegi doono kan cusub.

Soomaaliya waxay heshiiska ku biirista Bulshada Bariga Afrika saxiixday 15-kii Disembar 2023, waxayna xubin buuxda noqotay 4-tii Maarso 2024, sida uu caddeynayo ururka EAC. Xubinnimada iyo baasaboorka cusub keliya looma qaadan karo oggolaansho guud oo fiiso la’aan ah.

Ilaa hadda lama caddeyn in baasaboorka cusub uu Somaalida u fududeyn doono galitaanka dalalka Bariga Afrika iyadoon fiiso loo baahnayn.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Hay’adda Socdaalka oo so bandhigtay  baasaboorka cusub ee Somaliya

Hay’adda Socdaalka oo so bandhigtay baasaboorka cusub ee Somaliya

1 hour ago
Xasan Sheekh: Soomaaliya keligeed ma sugi karto amniga 3,400 KM ee xeebteeda

Xasan Sheekh: Soomaaliya keligeed ma sugi karto amniga 3,400 KM ee xeebteeda

1 day ago
Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

2 days ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

3 days ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

3 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

4 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

4 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.