Wararka24: Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa beeniyay wararka sheegaya in ergo ka socota madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ay u tageen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si ay ugala hadlaan xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.
Odayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uusan jirin kulan ay Xasan Sheekh kala yeesheen arrimaha la xiriira Sheekh Shariif, iyaga oo si cad u beeniyay wararka lagu baahiyay baraha bulshada. Waxay sheegeen in wararkaasi aysan sal lahayn, isla markaana aysan jirin wadahadal ay arrintaas ka yeesheen madaxweynaha.
Sidoo kale, odayaashu waxay sheegeen in xaaladda magaalada Muqdisho ay deggan tahay, iyaga oo bulshada ugu baaqay inaysan ku degdegin faafinta warar aan la xaqiijin. Waxay ka digeen in xogaha aan salka lahayn ay abuuri karaan cabsi iyo jahawareer bulshada dhexdeeda ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Muqdisho laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo ciidamo la xiriira Sheekh Shariif. Isu-soo-dhowaanshaha labada dhinac ayaa dhaliyay walaac laga qabo in xiisaddu isu beddesho iska horimaad hubeysan.
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamo ay ku xiriirisay dhinaca Sheekh Shariif, kuwaas oo ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG, ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir. Sheekh Shariif ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay.
NISA waxay sidoo kale sheegtay in 24-kii Juun 2026 kooxo hubeysan ay weerareen ciidamada Ilaalada Shacabka, isla markaana ay afduubteen askari ka tirsanaa ciidamadaas. Sida ay hay’addu sheegtay, 27-kii Juun ayay kooxahaasi mar kale hor istaageen howlgallo amni oo ka socday Waaxda General Daa’uud.
Dhankiisa, Sheekh Shariif ayaa dowladda ku eedeeyay inay qaaday tallaabooyin saameeyay amniga iyo isu-socodka dadka ku nool agagaarka hoygiisa. Wuxuu sheegay in jidgooyooyin iyo xannibaado la sameeyay, isla markaana la hor istaagay adeegyada daruuriga ah sida biyaha iyo cuntada. Wuxuu intaas ku daray in dulqaad la muujiyay si looga fogaado iska horimaad hubeysan.
Ilaa hadda, ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo muujinaysa in odayaal ergo ka ah Sheekh Shariif ay kulan la yeesheen Xasan Sheekh, halka odayaasha warbaahinta la hadlay ay si cad u beeniyeen warkaas.









