Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed + Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad heer qaran ah oo lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taas oo sanad kasta la xuso 12-ka Oktoobar, laguna maamuuso taariikhda calanka iyo halgankii gobannimada dalka.

Abdullahi salad olow by Abdullahi salad olow
October 12, 2026, 12:41 pm EAT
Reading Time: 5 mins read
Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed + Sawirro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad heer qaran ah oo lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taas oo sanad kasta la xuso 12-ka Oktoobar, laguna maamuuso taariikhda calanka iyo halgankii gobannimada dalka.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Cutubyo ka kala socday ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa munaasabadda ku soo bandhigay dhoollatus ciidan. Bandhigga ayaa lagu muujiyey doorka ciidamada ee ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo amniga dalka.

Xasan Sheekh oo ka hadlay taariikhda calanka

Madaxweynaha ayaa khudbad kooban oo uu munaasabadda ka jeediyey ku muujiyey muhiimadda taariikheed ee 12-ka Oktoobar iyo kaalinta calanka Soomaaliyeed uu ku leeyahay aqoonsiga qaranka, midnimada shacabka iyo xusuusta halgankii xorriyadda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in calanku astaan u yahay himiladii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo naf-hurnimadii dadkii u soo halgamay madax-bannaanida dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in ilaalinta dhaxalkaas ay tahay masuuliyad saaran jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Madaxweynaha ayaa xusuus iyo maamuus u diray halgamayaashii naftooda u huray xorriyadda iyo difaaca qaranka, isagoo Alle uga baryey inuu naxariistiisa Janno ku abaalmariyo dadkii ku naf-waayey difaaca dalka, diinta, dadka iyo qarannimada Soomaaliyeed.

Baaq ku saabsan midnimada iyo madax-bannaanida

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaashadaan dhaxalka dowladnimo ee ay ka tageen halgamayaashii gobannimada, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan xoojinta midnimada, ilaalinta madax-bannaanida iyo adkaynta jiritaanka qaranka.

Calanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay la taagay 12-kii Oktoobar 1954-kii, xilli uu socday halgankii gobannimada iyo isu diyaarinta madax-bannaanida. Taariikhdaas ayaa ka mid ah dhacdooyinka muhiimka u ah aqoonsiga qaranka Soomaaliyeed.

Maalinta Calanka ayaa sanad kasta loo asteeyaa xusuusinta taariikhda calanka buluugga ah iyo xiddigta cad ee dhexdiisa ku taal, kuwaas oo astaan u noqday qarannimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

1 day ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

2 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

3 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

3 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

4 days ago
Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

4 days ago
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.