Riyadh (Wararka24) Weerar lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee Sacuudiga magaalada Riyadh fiidnimadii Axadda ayaa dilay hal qof, waxaana ku dhaawacmay 11 kale. Sidaas waxaa sheegtay Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka ee Sacuudiga (GACA).
Hay’adda ayaa sheegtay in qofka dhintay uu ahaa muwaadin u dhashay Pakistan oo deggenaa dalka. Dhaawacyada waxaa loo qaybiyay isbitaallo kala duwan si loogu daweeyo.
gantaalka ayaa ku dhacay xarumaha 3 iyo 4 ee garoonka halkas oo loga adeego duullimaadyada gudaha dalka, sida ay werisay Al Jazeera. nin saarnaa diyaarad ku dhex socotay garoonka ayaa sheegay in qiyaastii 8:30-kii fiidnimo uu gantaal kusoo dhacay garoonka, meel u dhowna waxaa taagna diyaarado. Wuxuu sheegay in taasi ay dab kicisay. isaga ayaa inta ku daray in diyaaradoodii dib loogu celiyay albaabka, rakaabkana lagu amray inay ka degaan oo garoonka ka baxaan.
GACA ayaa sheegtay in hadda la qiimeynayo khasaaraha, Afar weerar shan maalmood gudahood
Weerarkan ayaa yimid markii gantaal ay Xuuthiyiinta soo rideen uu ku dhacay isla garoonkaas Sabtidii. Weerarkaas wuxuu dilay 12 qof, wuxuuna dhaawacay in ka badan 300, sida ay sheegeen Sacuudigu. Dhanka kale, safaaradda Hindiya ee Sacuudiga ayaa sheegtay in muwaadin Hindi ah uu Axaddii u geeriyooday dhaawacyo uu ka helay weerarkii Sabtida. Taas ayaa dhimashada weerarkaas gaarsiinaysa 13 qof.
Garoonka Riyadh ayaa afar jeer la weeraray shantii maalmood ee la soo dhaafay. Weerarradii Khamiista ayaa dilay ugu yaraan saddex muwaadin oo Sacuudi ah, oo uu ku jiro duuliye, sida ay sheegtay GACA. Garoonka ayaa xiran tan iyo weerarkii Sabtida. Weerarkaas ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Sacuudiga ka dhaca tan iyo markii dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan uu bilaabmay dabayaaqadii Febraayo.
Xuuthiyiintu waxay sheegteen mas’uuliyadda weerarradii ka horreeyay, hase yeeshee ma jirto cid illaa hadda sheegatay weerarka Axadda.
Weerarradan ayaa sii hurinaya dagaalka Yemen, waxaana laga cabsi qabaa inay ciidamada Mareykankakusoo biran. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo inuu ku biiro dagaalka ka dhanka ah Xuuthiyiinta. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu la hadli doono Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan, oo raadinaya taageero. Si kastaba ha ahaatee, Axaddii ma jirin calaamad muujinaysa inuu Trump wadahadalkaas sameeyay.
Waxaa jira cabsi ah in faragelin Mareykan ay keento in Xuuthiyiintu xiraan Marinka Baab al-Mandab, oo ah waddo muhiim u ah dhoofinta saliidda Khaliijka. Bishii hore ayay Xuuthiyiintu qabsadeen goobo muhiim ah oo ku teedsan marinkaas. Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo iyo ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa isku dayaya inay dib uga qabsadaan









