Wararka24: Ilaa 500 oo dugsiyada sare oo ku yaalla Faransiiska ayaa maanta qayb ahaan ama gebi ahaanba u joojin doona casharrada, kadib markii dibadbaxyo ay dhigayaan ardaydu ay isu beddeleen rabshado iyo iska-horimaadyo lala galay booliiska. Wasiirka Waxbarashada Édouard Geffray ayaa sheegay in qiyaastii 400 ilaa 500 dugsi aanay buuxin shuruudihii amniga ee loo baahnaa si casharradu u socdaan.
Geffray ayaa sidoo kale sheegay in 24 dugsi la gubay tan iyo markii ay bilaabmeen dibadbaxyada. Waxa uu intaas ku daray in 78 shaqaale oo ka tirsan waaxda waxbarashada ay dhaawacmeen, iyadoo wasaaradda ay qorsheyneyso in casharrada dib loogu bilaabo si tartiib ah meelaha xaaladda amni ay saamaxdo.
Dibadbaxyadu waxay bilowdeen toddobaadkii hore, gaar ahaan gobolka Paris, waxaana markii dambe ay ku fideen magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Montpellier, Nantes, Marseille iyo Strasbourg. Ardayda ayaa ka cabanaya yaraanta macallimiinta, fasallada oo ciriiri ah, xaaladda dhismayaasha dugsiyada iyo agab waxbarasho oo aan ku filnayn.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in in ka badan 5,000 oo qof loo xiray dibadbaxyada
Wasiirka Arrimaha Gudaha Laurent Nuñez ayaa sheegay in in ka badan 5,000 oo qof la xiray tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada, badankoodna ay yihiin dhalinyaro aan qaangaarin. Jimcihii oo keliya, 1,747 qof ayaa la xiray, sida uu sheegay wasiirku, halka rabshaduhu ay saameeyeen boqolaal dugsiyo ah.
Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in dibadbaxyada qaarkood ay la socdeen gubitaan, burburin iyo iska-horimaadyo booliis. Geffray wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah kooxaha siyaasadeed ee garabka bidix inay soo dhex galeen dhaqdhaqaaqa ardayda, balse kooxaha lagu eedeeyay arrintaas ayaa diiday inay abaabuleen rabshadaha.
Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Sébastien Lecornu ayaa sheegay in dowladdu qaadi doonto tallaabooyin wax looga qabanayo cabashooyinka ardayda iyo shaqaalaha waxbarashada. Tallaabooyinka uu xusay waxaa ka mid ah hagaajinta xarumaha dugsiyada, hubinta in casharradu sii socdaan iyo dib-u-eegista nidaamka kharashaadka si dadka mas’uulka ka ah burburka hantida looga dalbado magdhow.
Dibadbaxayaasha ayaa ku baaqay in mudaharaadyadu sii socdaan Talaadada, iyagoo sheegay in dowladda aysan weli qaadin tallaabooyin ku filan. Xaaladda ayaa sidaas darteed weli kacsan, iyadoo maamulka Faransiisku isku dayayo inuu isku dheellitiro xaqa ardaydu u leeyihiin dibadbax iyo ilaalinta amniga dugsiyada.









