Wararka24: Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray shaqaale saarnaa markabka shidaalka ee MT Honour 25, kaas oo burcad-badeed ay afduub ku hayeen muddo ka badan shan bilood, kahor inta aan ciidamada Puntland ay 29-kii Sebtembar dib ula wareegin markabka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay in dhacdadu ay khatar weyn ku tahay amniga badda iyo badqabka maraakiibta ganacsiga iyo waddooyinka caalamiga ah ee maraakiibtu isticmaalaan. Wasaaraddu waxay tacsi u dirtay qoysaska shaqaalaha dhintay, iyadoo caafimaad degdeg ah u rajeysay dadka dhaawacmay.
Markabka ayaa lagu soo furtay howlgal ay ciidamada badda iyo kuwa dhulka ee Puntland ka sameeyeen deegaanka Dharin-Bar ee degmada Bandar Beyla. Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland, shan kamid ah shaqaalaha markabka ayaa dhintay, halka afar kalena ay dhaawacmeen.
Wararka la helayo waxay sheegayaan in dadka dhintay ay kamid ahaayeen saddex muwaadin oo Pakistan ah, hal muwaadin oo Hindiya ah iyo mid ka soo jeeday Myanmar. Afarta qof ee dhaawacmayna waxaa kamid ahaa saddex Pakistani iyo hal Hindi ah.
Muxuu yahay MT Honour 25?
MT Honour 25, oo ah markab ku diiwaangashan calanka Palau, ayaa burcad-badeed Soomaali ah qabsadeen 21-kii Abriil 2026, xilli uu marayay xeebaha Soomaaliya. Markabka ayaa xilligaas siday shidaal, waxaana saarnaa shaqaale ka kala socday dalal dhowr ah.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen xubno lagu tuhunsan yahay inay burcad-badeed yihiin kaddib howlgalka. Markabka iyo shaqaalihii ka badbaaday afduubka ayaa sidoo kale la geeyay meel ammaan ah, iyadoo dhaawacyada loo qaaday xarumo caafimaad.
Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga, loo xaqiijiyo badqabka shaqaalaha iyo in la sugo amniga marinnada badda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay in badqabka maraakiibta iyo isu-socodka badda ay muhiim u yihiin dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamka, iyadoo dhacdadan ay mar kale soo bandhigtay walaaca laga qabo burcad-badeedda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya.

