Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay, 15 kalena waa lagu dhaawacay kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay goob lagu caweeyo oo ku taalla deegaanka Wedela ee gobolka Gauteng, Johannesburg, . Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii Sabtida, iyadoo booliisku ay sheegeen in sababta weerarka aan weli la ogeyn.
Gurmadka caafimaadka degdegga ah ayaa goobta ku xaqiijiyay geerida 17-ka qof. Booliiska ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka koobnaayeen 13 rag ah iyo afar haween ah, halka 15 qof oo kale oo rasaastu haleeshay loo qaaday xarumaha caafimaadka si loogu daweeyo.
Sida ay sheegtay Hay’adda Booliiska Koonfur Afrika, koox ka kooban siddeed qof oo hubeysan ayaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarka. Booliisku waxay sheegeen in tuhmanayaasha lagu soo warramay inay wateen qoryaha AK-47 iyo bastoolado.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay gudaha goobta u galeen iyagoo rasaas ku furay dadka gobta ku sugnaa, waxaana booliisku hadda bilaabeen baadi-goob ballaaran oo lagu raadinayo dadka looga shakisan yahay weerarka. Ilaa hadda lama sheegin in qof loo xiray dhacdadan.
Booliisku waxay sidoo kale baarayaan waxa sababay weerarka iyo cidda si dhab ah uga dambeysay. Sababta ama ujeeddada toogashada ayaan weli la shaacin, iyadoo baaritaan lagu hayo dhacdada.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Koonfur Afrika ay wajahdo dhacdooyin isdaba joog ah oo la xiriira rasaas iyo weerarro ka dhaca goobaha madadaalada. Mas’uuliyiinta ayaa weli ku howlan raadinta tuhmanayaasha iyo ururinta xogta ku saabsan weerarka.




