Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay ka codsatay inuu muddo hakiyo weerarro cusub oo uu ku qaado Iran, maadaama ay boqortooyadu “kala daadanayso.”
Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay wariyaha ciyaaraha Stephen A. Smith, kaas oo la sii daayay Jimcihii.
“Sacuudiga ayaa iga codsaday inaan muddo uga tago sida ay hadda tahay, maxaa yeelay way kala daadanayaan,” ayuu yiri Trump.
Wuxuu intaa ku daray in dalalka kale ee Khaliijka ay iyaguna doorbidayaan in la sugo. “Qatar, Kuwait, Imaaraadka, Bahrain, dhammaantood waxay aad u doorbidayaan muddada sugitaanka,” ayuu yiri.
Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu Iran curyaamin karo muddo saddex maalmood ah, isagoo weerari lahaa xarumaha tamarta, buundooyinka iyo warshadaha dalkaas.
Wuxuu sidoo kale ammaanay maalgashiga ay dalalka Khaliijka ku sameeyaan Mareykanka.
Isniintii, Trump ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in Qatar iyo Sacuudiga ay doorbidayaan xal nabadeed, balse Mareykanku uu diyaar u yahay inuu mar kale weeraro Iran haddii loo baahdo.
Isla maalintaas, Trump iyo Ku xigeenkiisa JD Vance ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Aal Thaani, kaas oo kulanka ku tilmaamay mid wanaagsan.
Maamulka Trump ayaa sheegay inuusan qorsheyn inuu dib u bilaabo dagaal buuxa oo lala galo Iran, balse uu doonayo inuu dhaqaalaha dalkaas ku cadaadiyo go’doomin badeed oo lagu sameeyay marinka Hormuz.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, ayaa toddobaadkan sheegay in shidaalka Iran uu yahay kan keliya ee aan si joogto ah uga gudbin marinka Hormuz.
“Cadaadiska dhaqaale ee Iran saaran ayaa aad u daran, taas oo keentay in madaxweynuhu go’aansado in aan loo baahnayn howlgallo dagaal oo waaweyn,” ayuu yiri Rubio.
Sacuudiga ayaa ka badbaaday saameynta ugu xun ee dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iran.
Hase yeeshee kooxda Xuutiyiinta ee Yaman ayaa tan iyo xagaagii, markii uu burburay xabbad joojinta Yaman, weerarro ku qaaday garoomada, xarumaha tamarta iyo magaalooyinka Sacuudiga.
Bishii Sebtembar, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa oggolaatay iibinta suurtagalka ah ee ilaa 48 diyaaradood oo dagaal oo nooca F-35 ah oo loo iibinayo Sacuudiga, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo ilaa 24 bilyan oo doollar.
Ilaa hadda lama hayo jawaab ka timid dowladda Sacuudiga oo ku saabsan hadallada Trump.

