Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF oo maydad soo bandhigtay iyadoo lagu soo waramaya in dagaalka weli socdo + sawiro

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixisay dagaalka ka socda magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 28, 2026, 4:19 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
DF oo maydad soo bandhigtay iyadoo lagu soo waramaya in dagaalka weli socdo + sawiro
Share

Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixisay dagaalka ka socda magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay jab xooggan gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo ay ku tilmaantay maleeshiyaad Al-Shabaab iyo ciidamo taabacsan Laftagareen oo isku dhinac u dagaallamay. Wasaaraddu waxay sidoo kale baahisay sawirro ay ku sheegtay inay yihiin maydadka qaar ka mid ah xubnihii lagu dilay dagaalka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si adag uga hortageen weerarka, isla markaana ay gacanta ku hayaan magaalada Baydhaba. Hase yeeshee, faahfaahin madax-bannaan oo xaqiijinaysa khasaaraha iyo xaaladda dhammaan goobaha dagaalku ka dhacay weli lama helin.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isna ka hadlay dagaalka, isagoo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Birmadka Koonfur Galbeed ay iska caabiyeen weerarkii lagu qaaday magaalada. Waxa uu bogaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

“Mataanihii argagixisada ee saakay soo weeraray Baydhabo jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray,” ayuu yiri Fiqi, sida uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.

Dhinaca kale, wararka laga helayo Baydhaba ayaa sheegaya in iska horimaadku uusan weli si buuxda u istaagin. Ciidamo taabacsan Laftagareen ayaa la sheegay inay ka dagaallamayaan agagaarka Masaajida Carabta iyo Jaamaca, oo ku dhow deegaanka Afar Irdoodka ee magaalada.

Dowladda Federaalka ayaa hore Baydhaba u geysay ciidamo dheeraad ah, iyadoo sheegtay inay taageerayaan maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe. Laftagareen iyo dhinacyada taageersan ayaa dhankooda ku adkeysanaya mowqifkooda siyaasadeed ee ku aaddan maamulka Koonfur Galbeed.

Eedeynta Wasaaradda Gaashaandhigga ee ah in Al-Shabaab ay qayb ka ahayd kooxaha weerarka soo qaaday waxay u baahan tahay xaqiijin madax-bannaan. Ilaa hadda sidoo kale lama hayo xog rasmi ah oo dhammeystiran oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka, iyo khasaaraha soo gaaray shacabka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.