Wararka24:Goolhayihii hore ee West Ham United, Queens Park Rangers iyo xulka Czech Republic, Ludek Miklosko, ayaa geeriyooday isagoo 64 sano jir ah.
Miklosko ayaa muddo dheer ka mid ahaa ciyaartoydii si weyn looga xusuusto West Ham, waxaana uu kooxda u saftay ku dhowaad 400 oo kulan intii u dhexeysay 1990 iyo 1998. Taageerayaasha kooxda ayaa si gaar ah u jeclaa goolhayaha, waxaana magaciisa si joogto ah looga maqli jiray garoonka xitaa sannado badan kadib markii uu kooxda ka tagay.
Kadib markii uu soo afjaray waayihiisii ciyaareed, Miklosko ayaa mar kale ugu soo laabtay West Ham isagoo noqday tababare goolhayayaasha, isagoo qeyb ka ahaa shaqaalaha kooxda.
Miklosko ayaa muddo la tacaalayay kansar, waxaana bishii Diseembar 2024 uu sheegay inuu ka baxay daaweyntii uu ku jiray, ku dhawaad saddex sano kadib markii cudurka laga helay.
Maalmo kadib markii uu kasoo baxay daaweynta, Miklosko ayaa ku laabtay garoonka London Stadium ee West Ham, halkaas oo uu uga qeybgalay kulan ay halyeeyadii kooxda la ciyaarayeen halyeeyada Liverpool.
West Ham United ayaa si rasmi ah uga tacsiyeeysay geerida goolhayihii hore, iyadoo kooxda ay sheegtay inay si qoto dheer uga murugootay geeridiisa.
“Waa murugo qoto dheer in West Ham United ay ku dhawaaqdo geerida goolhayihii hore iyo tababarihii hore, Luděk Miklosko,” ayay kooxdu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Kooxdu waxay intaas ku dartay in Miklosko uu ahaa goolhaye ay taageerayaashu jeclaayeen, dhiirrigelin iyo sidoo kale nin lagu yaqaanay naxariis iyo dabeecad wanaagsan.
Geerida Miklosko ayaa kusoo gabagabeysay noloshii ciyaareed ee goolhaye muddo dheer raad ku lahaa West Ham, iyadoo taageerayaasha iyo kooxda ay xusuusan doonaan doorkiisii uu ku lahaa taariikhda naadiga.







